​Somaliland- Xildhibaan Tayanle oo Geeriyooday

Image

HARGAYSA, Somaliland- AUN Xildhibaan Cabdiraxmaan Tayanle oo kamid ahaa mudanayaasha golaha shacabka Barlamanka Somaliland ayaa ku geeriyooday waddanka Hindiya sida ay xaqiijiyeen ehelkiisa iyo Xildhibaano katirsan golaha wakiillada.

Tayanle oo kamid ahaa xubnaha fir-fircoon ee Barlamanka Somaliland sidoo kalena dhawaan u sharaxnaa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland ayaa geeriyooday isagoo arrimo Caafimaad u jooga waddanka Hindiya.

Faah faahin dheeraad ah lagama bixin sababta keentay Geerida Marxuumka Qadar ALLE ka sokow.

Qaar kamid ah Xildhibaanada Somaliland ayaa tacsi u diray Marxuumka iyagoo sheegay inuu ahaa shakhsi muhiim ah oo ka baxay bulshada ku nool maamulkaas.

Sidoo kale golaha xukuumadda ayaa tacsi u diray Xildhibaanka iyagoo ALLE uga baryay inuu ugu deeqo naxariistiisa waasaca ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cirro Oo Sheegay Inaysan Somaliland Dagaal Kula Jirin dowladda Soomaaliya

Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale ka hadlay qorshaha dowladda Soomaaliya ee dhisidda maamulka cusub ee looga dhawaaqay Laascaanood.

  • Somaliland

    26-10-2025

  • 12:16PM

Madaxweynaha Somaliland oo safar rasmi ah ku tagay Addis Ababa

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa booqday Addis Ababa kahor inta uusan Cirro gaarin Maanta.

  • Somaliland

    14-10-2025

  • 03:51PM