​Somaliland- Xildhibaan Tayanle oo Geeriyooday

Image

HARGAYSA, Somaliland- AUN Xildhibaan Cabdiraxmaan Tayanle oo kamid ahaa mudanayaasha golaha shacabka Barlamanka Somaliland ayaa ku geeriyooday waddanka Hindiya sida ay xaqiijiyeen ehelkiisa iyo Xildhibaano katirsan golaha wakiillada.

Tayanle oo kamid ahaa xubnaha fir-fircoon ee Barlamanka Somaliland sidoo kalena dhawaan u sharaxnaa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland ayaa geeriyooday isagoo arrimo Caafimaad u jooga waddanka Hindiya.

Faah faahin dheeraad ah lagama bixin sababta keentay Geerida Marxuumka Qadar ALLE ka sokow.

Qaar kamid ah Xildhibaanada Somaliland ayaa tacsi u diray Marxuumka iyagoo sheegay inuu ahaa shakhsi muhiim ah oo ka baxay bulshada ku nool maamulkaas.

Sidoo kale golaha xukuumadda ayaa tacsi u diray Xildhibaanka iyagoo ALLE uga baryay inuu ugu deeqo naxariistiisa waasaca ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Cirro oo dowladda Soomaaliya iyo Jabuuti ku eedeeyay faragelin, difaacayna xiriirka Israa’iil

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha uu jeediyay Madaxweynaha Somaliland.

  • Somaliland

    28-05-2026

  • 03:13PM

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM