Somaliland: Xuska 18 May oo kuwii hore ka duwan
HARGEYSA- Guddida qabanqaabada xuska sanadguurada 25aad ee kasoo wareegtay markii ay Somaliland ku dhawaaqday inay Somalia inteeda kale ka go’day, ayaa faahfaahin ka bixiyey hannaanka ay sanadkan ugu talo galeen in loo agaasimo munaasibaddaas.
Guddidu waxa ay shaaciyeen inay sanadkan halkudhegga loogu dabbaal degi doono u qaateen “Somaliland guulo qaran iyo qaayo lagu gaadh qarni rubucii”, taas oo ay sheegeen in lagu xusi doono munaasibaddan.
Sidoo kale waxa ay guddidu sheegay in munaasibadda sanadkani ka duwan tahay munaasibadihii hore loo xusi jirey, waxana ay tilmaameen in dhammaanba shacabka reer Somaliland saxiixi doonaan waraaqo ay ku muujinayaan rabitaankooda,(Petitions), waxana ay shacabka ugu baaqeen inay waraaqahaas saxeexaan.
Somaliland ayaa 18kii bishii May ee sanadkii 1991kii ku dhawaaqday inay Somalia inteeda kale ka go’day, balse ilaa iyo haatan ma jiro waddan si rasmi ah u aqoonsaday dawladnimada ay sheegatay.
GAROWEONLINE