Taliye Fadal “Majirto cid lagala baxay xubnaha Jirka”

Image

HARGAYSA, Somaliland- Taliyaha ciidanka Booliiska Somaliland, Cabdullaahi Fadal Iimaan ayaa beeniyay warar lagu qoray warbaahinta iyo baraha bulshada oo sheegayay in xubnaha muhiimka ah ee jirka lagala baxay shakhsiyaad ku sugan Somaliland oo af-duub loo gaystay.

Fadal ayaa arrintaas ganafka ku dhuftay, wuxuuna sheegay inaysan jirin haba yaraatee kiisas ku saabsan arrintaas oo ay gacanta ku dhigeen laamaha amniga.

Taliyaha ayaa qiray inay horay usoo gaareey 12 dacwo, balse baaritaan kadib afar kamid ah ay yeesheen raad afduub kuwaasna loo hayo dad kala duwan.

“Waxaan dadweynaha u cadaynaynaa haba yaraatee inaysan jirin cid lagala baxay xubnaha jirka ama kiis la xariira arrintaas oo dhacay. Waxaan warbaahinta ilaa xalay ka arkaayay sawirro iyo warar sheegaya  in la qabtay Tallaagad ay ku jiraan xubnaha jirka Aadanuhu, taasoo aysan waxba ka jirin,”Sidaas waxaa warbaahinta magaalada Hargaysa ugu sheegay Taliyaha ciidanka Booliiska.

Isagoo sii hadlaya, wuxuu ka digay in la baahiyo warar aan xaqiiqo ahayn, kuwaasoo uu sheegay inay ka dhalan karaan ciqaab iyo isla xisaabtan.

Hadalkan ayaa kusoo aaday xilli ilaa shalay warbaahinta Somaliland ay aad u tabinaysay sawirro lagu baahiyay baraha internetka oo la sheegay inay yihiin Kelyo, Beer iyo xubno kale oo muhiim ah kuwaasoo lagala baxay dad xilliyo kala duwan la af-duubtay.

Majirto cid si madax-bannaan u xaqiijinta karta arrintan marka laga yimaado beeninta Booliiska iyadoo inta badan dadweynaha magaalada Hargaysa ay qabaan tuhun ah inay jiraan Shabakado isku xiran oo lagu eedeeyo inay arrimahaas fuliyaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Qatar oo u yeertay Cabdiraxmaan Cirro kadib baaqii Xasan Sheekh

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan bixin wax jawaab rasmi ah oo ku saabsan casuumaadda Qatar usoo dirtay Cirro.

  • Somaliland

    27-06-2025

  • 08:48PM

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo looga yeeray Jabuuti

Wuxuu madaxweynaha ku wehlinayaa safarkiisa xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda.

  • Somaliland

    21-05-2025

  • 09:19AM