Tirada dhimashadda colaadda Laascaanood oo dhaaftey 200 ruux

Image
Duqa xarunta gobolka Sool ayaa intaas ku daray in 715 guri ku burbureen dagaalka, 16,000 oo ganacsina la xiray.

HARGEYSA, Somaliland - In ka badan 200 oo qof ayaa ku naf-waayey dagaalka ku dhowaad bilka ka soconaya magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, sidda uu xaqiijiyey mas'uul ay soo xigatay wakaaladda AFP ee laga leeyahay waddanka Faransiiska.

Duqa Laascaanood, Cabdiraxiim Cali Ismaaciil, ayaa sheegay in dagaalkaas ay ku dhinteen 210 qof oo rayid ah, 680 kalena ay ku dhaawacmeen kuwaasoo badankooda ay yihiin dad shacab ah

"Dagaalku wuxuu billowday 6-dii February 2023-kii, wuxuuna socday muddo ka badan 20 maalmood ah," ayuu yiri, isagoo intaas ku daray in 200,000 oo qoys ay ka barakaceen guryahooda dagaallada kaddib.

Somaliland ayaa sheegtay inay ka go'day Soomaaliya tan iyo 1991-kii, balse weligeed ma helin aqoonsi caalami ah, waxaana coladda Laascaanood ay u soo jiiday cadaadis caalami ah.

“715 guri ayaa ku burburay dagaalka, 16,000 oo ganacsina waa la xiray, biyihii waa la gooyay, ciidamada ayaa xoog ku galay... shirkaddii korontada oo magaalada iftiimisay,” ayuu sii raaciyey.

Laascaanood ayaa marta waddo ganacsi oo muhiim ah, waxaana isku-haysta maamuladda Somaliland iyo Puntland balse farqiga u dhaxeeya yahay in Garowe ay aqoonsan tahay dowladda federaalka ah.

Rabshadahan ayaa ka dambeeyay kadib markii odayaasha gobolka Sool ee magaalada Laascaanood ay soo saareen bayaan ay ku taageerayaan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Maamulka fadhigiisu yahay magaaladda Hargeysa ayay cod dheer ugu baaqeen inay ciidamadooda kala baxaan guud ahaan gobolka Sool. Hase ahaatee, xukuumadda Musue Biixi Cabdi waxay kaga jawaabtey duulaan loo adeegsadey hubka noocyadiisa kala duwan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo dib u eegaya heshiiskii Badda Muuse Biixi la galay Abiy Axmed

Dowladda Itoobiya ayaa hadda wadahadallo kula jirta dowladda Soomaaliya kadib heshiiskii Ankara, waxaana ay raadinaysaa marin badeed nabad ah.

  • Somaliland

    07-01-2025

  • 07:27AM

Fanaanka Qamar Suugaani oo jirdil loogu geystay magaalada Hargeysa

Muuqaalo laga duubay weerarkii Jimcihii ayaa si weyn loogu faafiyay baraha bulshada, taasoo dhalisay caro.

  • Somaliland

    04-01-2025

  • 10:46AM