​Wafdi kasocda Masar oo Hargaysa tagay

Image

HARGEYSA- Wafti heersare ah oo kasoday waddanka Masar ayaa soo gaaray caasimadda Somaliland ee Hargaysa, waxana si weyn usoo dhaweeyey saraakiil katirsan wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland.

Waftigan oo ka kooban 12-xubnood oo uu hoggaaminayo kaaliyaha wasiirka u qaabilsan arrimaha Afrika, isla-markaana ay xubno ka ahaayeen diblomaasiyiin iyo saraakiil katirsan ciidamada badda iyo militeriga, ayaa ujeeddadooda lagu sheegay inay xiriir fiican oo labada dhinac ka dhexeeya ka wada hadli doonaan.

Maxamed Idriis oo ah hoggaamiyaha waftigan, ayaa muujiyey sida uu ugu faraxsan yahay imaatinka Somaliland, isagoo sidoo kalena carrabaabay in xiriir soo jireen ah ka dhexayn jirey labada dhinac.

Xubnaha waftigan oo kasoo kicitimay dhanka caasimadda Somalia ee Muqdisho, ayaa lagu wadaa inay kulamo la yeelan doonaan ayaamaha Hargeysa joogaan hay’ado kala duwan oo xukuumadda madaxweyne Siilaanyo katirsan, iyagoo sidoo kalena heshiisyo dhinacyada ganacsiga iyo wada-shaqaynta ah la saxiixan doona.

Waddanka Masar ayaa kamid ahaa quwadihii xiriirka siyaasadeed kala dhacaysay Somalia, wuxuuna hadda doonayaa inuu soo ceshto taasi oo muddo dheer ka maqnad qaaradda Afrika.

GAROWEONLINE

Related Articles

Cirro oo dowladda Soomaaliya iyo Jabuuti ku eedeeyay faragelin, difaacayna xiriirka Israa’iil

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha uu jeediyay Madaxweynaha Somaliland.

  • Somaliland

    28-05-2026

  • 03:13PM

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM