Khilaaf ka taagan dib u dhiska Suuqa Waaheen ee Hargeysa

Image

HARGEYSA, Soomaaliya - Tan iyo markii uu gubtay Suuqa Waaheen oo ku yaala magaalada Hargeysa, waxa jiray dhibaatooyiin soo gaaray dadkii ka ganacsan jiray suuqa kuwaas oo dhamaantood ay kaga gubteen alaabtii iyo hantidii ay haysteen ee ay ku ganacsanayeen.

Sido kale suuqu wali wuu xiran yahay, mana jirto wax shaqo ah oo ka socda.

Dadkii iibin jiray Khudaarta iyo Hilibka ayaa ganacsigoodii dib uga bilaabay Dooxa Biyuhu maraan ee magaalada Hargeysa, taas oo iyana laga cabsi qabo in uu Roob soo da'o ka dibna ay biyo xoog badani soo maraan Dooxa, taasina waxa ay keeni kartaa in ay dhibaato kale ka timaado, waqtigan oo la filaayo in uu yimaado Roob ayaa dadweynaha ku ganacsanaya goobta loogu baaqaya in ay ka guuraan Dooxa oo ay degaan goob kale oo ganacsi oo aan dhibaato lahayn.

Sido kale waxa jira khilaaf maamul oo u dhexeeya Dawlada Hoose ee Hargeysa iyo Dawlada Dhexe kuwaas oo isku haysta cida maamulaysa hawsha dib u dhiska suuqa Waaheen,

Dawlada Hoose ee Hargeysa ayaa iyadu ku doodaysa in ay leedahay awooda maamulida iyo dib u dhiska Suuqa Waaheen maadama oo uu ku yaalo Gudaha magaalada Hargeysa, dawlada dhexena xaq u leedahay wixii ka baxsan magaalooyinka.

Hasa yeeshee Dawlada Dhexe ayaa iyadu haatan la wareegtay awooda dib u dhiska suuqa Waaheen, waxaana wada Wasaarada Hawlaha Guud, taas oo diyaarinaysa naqshada iyo qorshaha dib u dhiska suuqa,

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa soo saaray qoraal uu ku sheegaayo in wasaarada Hawlaha Guud ay iyadu leedahay masuuliyada dib u dhiska suuqa Waaheen,

Xisbiyada Mucaaridka Somaliland ee Waddani iyo UCID ayaa iyagu xukumada Muuse Biixi ku cambaareeyay farogelinta iyo maamulida Suuqa Waaheen, waxayna ku doodeen in Gollaha Deegaanka Hargeysa loo doortay in ay magaalada ka shaqeeyaan, iyagoo xukumada uga digeen in ay faraha kala baxdo maamulida iyo dib u dhiska Suuqa Waaheen

Maalinta Berri ah ayaa la filayaa in Suuqa Waaheen laga bilaabo nadiifinta iyo in laga guro qashinka iyo hadhaagii waxyaabihii ku gubtay suuqa

Maayarka Magaalada Hargeysa, Cabdikariim Axmed Mooge ayaan ilaa hada isagu ka hadal khilaafka iyo kala riixashada dib u dhiska Suuqa Waaheen, taaso lagu sheegay in uu diidan yahay in uu ka horyimaado dawlada Dhexe oo dagaal ku soo qaadi karta kursigiisa maayarnimo isla markaana xidlhibaanada lagu abaabuli karo in ay Xilka ka qaadaan Maayar Cabdikariim Axmed Mooge

Dawlada Dhexe iyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa iyagu si badheedha uga horyimid in ay wax shaqo ah dawlada Hoose ee Hargeysa ku yeelato dib u dhiska suuqa Waaheen

Ganacsatada waaweyn ee Somaliland ayaa guddi u magacaabay ururinta qaadhaanka dib u dhiska suuqa waaheen, waxanay sheegeen in ay soo ururiyeen lacag dhan 8 Milyan oo dollar, lacagtaas oo laga soo ururiyay ganacsatada kala duwan ee Somaliland

Sido kale waxa jira Guddi uu magacaabay Madaxweyne Muuse Biixi, kuwaas oo iyana ka shaqaynaaya dib u dhiska suuqa waaheen, waxana gudoomiye u ah wasiirka Diinta iyo Awqaafta waxanay sheegeen in ay soo gaadheen lacago kala duwan, qaarkoodna ay dhawaan filayaan

Dawlada Federaalka Somaliya ayaa guddidaas soo gaadhsiiyay lacag dhan 12700.000$

Dabka suuqa Waaheen ayaa gaystay dhibaato xoog leh oo baabiyay ganacsi badan oo aan wali si rasmiya loo sheegin inta uu leeg yahay, hasa yeeshee waxaa lagu qiyaasayaa khasaaruhu malaayiin dollar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Itoobiya oo xiray xadka maamulka Somaliland

Talaabadan ayaa timid kadib iska horimaad xooggan oo ka dhacay degmada Xarshin.

  • Somaliland

    25-12-2024

  • 08:51AM

Madaxwayne Cirro oo gudoomiyay shirkii koowaad ee xukuumadiisa

Madaxtooyadda Somaliland ayaa kulankan waxay ku qeexdey isbarahso iyo qeybinta hagaha xukuumadda.

  • Somaliland

    15-12-2024

  • 12:54PM