Wasiirada Somaliland oo digniin u diray dowladda Soomaaliya

Image
Muqdisho ayay ku eedeeyeen in ay ku hayso "faragelin qaawan oo ay caadeysatay".

HARGEYSA, Somaliland - Golaha Wasiiradda Somaliland oo Arbacada maanta ah ku kulmay magaalada caasimada ah ee Hargeysa ayaa digniin gaar ah wuxuu u diray dowladda federaalka Soomaaliya.

Sida laga soo xigtay war-saxaafadeed kasoo baxay golaha, xukuumadda fadhigeedu yahay Muqdisho ayuu ku waaninayaa in ay ka tanaasusho wax ay ku qeexeen "faragelinta ay caadaysatay".

Bayaankan lagu daabacay ciwaanka Facebook-ga ee Madaxtooyadda ayaa lagu sheegay in dowladda federaalka ah ay "weerar qaawan" ku bilowdy xubnihii baarlamaanka UK geeyay qadiyada Somaliland.

"Goluhu wuxuu uga digayaa dawladda Muqdisho oo hadda bilowday weerar qaawan oo ay ku qaadayaan xubnihii Baarlamaanka ee hawshaas galay," ayaa lagu yiri nuqul kamid ah warka qoraalka ah.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Waxa aanu u sheegaynaa dawladda Muqdisho ee hawshaas ka talinaya in waxaasi sii kordhinayaan nacayb, kala fogaansho iyo colaad dheeraata oo aad ku beeraysaan Soomaalida gudaheeda".

"Somaliland-na maaha mid ay cidi ku qasbi karto inay noqoto madax-bannaanideeda iyo masiirkeeda, horena way ugu muujisay naf iyo maalba, haddana waa u diyaar," ayaa lagu soo xiray qoraalka.

Somaliland ayaa tan iyo 1991-dii waxay sheegataa in ay ka madax-banaan tahay Soomaaliya inteeda kale, hase ahaatee, waxay dunida u aqoonsan tahay maamul si gaar ah u hoostaga xukuumada Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Qatar oo u yeertay Cabdiraxmaan Cirro kadib baaqii Xasan Sheekh

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan bixin wax jawaab rasmi ah oo ku saabsan casuumaadda Qatar usoo dirtay Cirro.

  • Somaliland

    27-06-2025

  • 08:48PM

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo looga yeeray Jabuuti

Wuxuu madaxweynaha ku wehlinayaa safarkiisa xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda.

  • Somaliland

    21-05-2025

  • 09:19AM