Xarun boolis oo laga dhisayo Somaliland

Image
Image
Image

HARGEYSA- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo) ayaa dhagax dhigay dhisme cusub oo ay yeelaan doonaan taliska guud ee ciidamada booliska, taas oo ay maalgelisay dawaldda Ingiriiska.

Munaasabad kooban oo dhismahan lagu dhagax dhigayey ayaa lagu qabtay xarunta taliska ciidamada Booliska Somaliland waxana hadalo kooban ka jeediyey taliyaha guud ee booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan, Wasiirka Arrimaha gudaha Cali Waran-cadde iyo waliba sarkaal sare oo katirsan Hay’adda DFID kuwaasoo faahfaahin ka bixiyey muhiimadda dhismahani yeelan doono iyo sida uu wax badan uga dabooli doono baahida ciidamada booliska Somaliland qabaan.

Xaruntan la dhagax dhigay ayaa wax ka dhisan dhisme qadiimi ah oo dawladda Ingiriisku dhistay sanadkii 1936 waxana lagu beddeli doonaa mid casri ah oo dabaqyo ka kooban kaas oo yeelan doona waxyaabo badan oo ciidamada booliska iyo ammaanka saraakiisha muhiim u ah.

Dawladda ingiriiska ayaa si weyn Somalilnad uga caawinta dhinaca ciidamada, waxana marka laga tago dhismayaasha iyo siisaa tababarro joogto ah ciidamada RRD oo loogu talo galay argagixiso la dirirka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Cirro oo dowladda Soomaaliya iyo Jabuuti ku eedeeyay faragelin, difaacayna xiriirka Israa’iil

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha uu jeediyay Madaxweynaha Somaliland.

  • Somaliland

    28-05-2026

  • 03:13PM

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM