Xildhibaan Maxamed Abiib oo lagu xiray magaalada Hargeysa

Image
Sababta rasmiga ah ee loo xiray Abiib ayaan la ogayn. Abiib ayaa si bareer ah u dhaliila maamulka Madaxweyne Muuse Biixi.

HARGEYSA, Somaliland - Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa maanta oo Isniin ah waxaa lagu xiray Madaarka Cigaal International Airport ee Magaalada Hargeysa.

Xariga ayaa wuxuu yimid isagoo ka soo laabtay dalka Imaaraadka Carabta, waxaanu muddooyinkii u dambeeyay eedo u jeediyay Xukuumadda Somaliland iyo Ururkii SNM.

Sababta rasmiga ah ee loo xiray Abiib ayaan la ogayn. Abiib ayaa si bareer ah u dhaliila maamulka Madaxweyne Muuse Biixi oo uu ku eedeeyo inay bar-tilmaameed ka dhigtaan dadka ka hor imanaya siyaasadiisa.

Xarigan ayaa daba socday isku daygii hore ee xeer ilaaliyaha guud ee Somaliland uu ku doonayey in uu xasaanadda kaga qaado xildhibaan Abiib, isagoo ku gacan seyray eedeymaha lagu soo oogay oo uu ku tilmaamay mid siyaasadeysan.

Mooshinkan ayaa u hakaday xarunta golaha shacabka kadib markii ay iska caabin kala kulmeen xildhibaanada kale, waxaana guddiga joogtada ah ee golaha shacabka ay sharci darro ku tilmaameen qaladaad dhanka habraaca ah.

Abiib waxa soo foodsaaray caqabado kala duwan oo dhanka sharciga ah oo ay kamid yihiin iska hor imaad uu la galay shir gudoonka golaha wakiilada iyo eedo sharci daro ah.

In kasta oo eedaymaha iyo xadhiga lagu soo oogay, Abiib weli wuu ka dhego adaygay. Waxa uu marar badan ku cel-celiyey in uu xilka iska casili doono oo keliya haddii ay reer Awdal ku qanci waayaan matalaadiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Biixi: Xasan Sheekh waa nin naftiisa hafraya, ajnabi baa ilaaliya

Madaxweynaha Somaliland ayaa weerar afka ah ku qaadey hogaamiyaha Soomaaliya.

  • Somaliland

    26-08-2024

  • 03:08PM

Somaliland: Beesha Caalamka dib ha uga fiirsato aqoonsiga Dowladda Soomaaliya

Maamulka Hargeysa ayaa ku sacan sayray amarada kasoo baxay xukuumada Muqdisho, ugana digaya shirkadaha degaanada maamulkaas in ay u hogaansamaan.

  • Somaliland

    25-08-2024

  • 05:33AM