Xisbiga Kulmiye oo isu diyaarinayaa doorashada ayaa doortay hogaan cusub

Image
SAWIR HORE

HARGEYSA, Soomaaliya - Xisbiga talada haya ee Kulmiye ayaa maanta u doortay Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin inuu noqdo Gudoomiyaha xisbiga, ka dib shir ay Golaha Dhexe ku yeesheen Magaalada Burco.

Kaahin ayaa si xooggan ugu ololeeyay inuu ku guuleysto kursigan, isaga oo taageero ka heley Muuse Biixi oo aad u soo dhaweeyay natiijadan.

Xisbiga ayaa sidoo kale u doortay madaxweynaha talada haya ee Muuse Biixi inuu isku sharaxo xilka madaxtinimada, waxaana sidoo kale loo doortay Maxamuud Xasan Saajin inuu u tartamo jagada madaxweyne ku xigeenka.

Talaabadan ayaa cadeyn u noqon karta musharaxa xisibiga kulmiye ee u tartami doono jagada madaxtinimada Muuse Biixi ka dib.

Somaliland ayaa isu diyaarinaysa doorasho lagu muransanyahay, xilli maamulka talada haya iyo mucaaradka aysan weli ku heshiin muddeynta doorashada.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Cirro oo taageeray Trump in la siiyo Abaalmarinta Nabadda ee Nobel Peace Prize

Madaxweyne Irro waxa uu sidoo kale soo dhaweeyay warqad furan oo uu Senatarka Mareykanka ah Ted Cruz u diray Trump.

  • Somaliland

    24-08-2025

  • 12:14PM

Cirro oo Soo Dhaweeyay Hadalka Rooble Ku Garab-Istaagay Somaliland

Waxaan hambalyeynayaa siyaasiyiinta fahmay xaqiiqada jirta, gaar ahaan Ra’iisul Wasaarihii hore Rooble.

  • Somaliland

    23-08-2025

  • 08:24AM