Deni oo taliska booliska kala hadlay munaasabada 1-da August

Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha dowladda Puntland oo uu weheliyo Taliyaha Booliska Jenaraal Muxayidiin Axmed Aw-muuse iyo Saraakiil kale ayaa kormeeray Xarunta Taliska Ciidamada Bileyska.

Ugu horeyn, wuxuu Salaan sharaf ka qaatay Madaxweynuhu cutubyo ka tirsan Ciidamada Booliska Puntland, kadibna wuxuu kormeeray Qeybta Booliska ee degmada Garoowe oo dib u dayactir lagu sameeyey.

Saraakiisha Ciidamada Booliska ayaa warbixin ka siiyay Madaxweynaha howsha baaxada leh ee ay u hayaan Bulshada iyo xaaladihii ugu dambeeyay ee dhanka ammaanka.

Deni ayaa kala hadlay Saraakiisha dardar-gelinta shaqada ciidanka booliska, Barnaamijka tayeynta Ciidanka oo hada qeybo ka mid ah Tababaro u socdaan iyo diyaar-garowga munaasabada 1-August.

Munaasabadda 1-da August oo qaban-qaabadeda la guda galayo ayaa waxay ku beegan tahay aas-aaskii Puntland oo dhidibadda loo taagay sanadku markuu ahaa 1998-dii.

Puntland ayaa waxay horumuud u tahay nidaamka federaalka oo haatan ka hanaqaadey guud ahaan Soomaaliya, isla markaana looga dayday dhismaha maamulada kale.

Marti kala duwan oo ay ku jiraan mas'uuliyiin xilal kasoo qabtey maamulkan ayaa lagu wadaa in ay kasoo muuqdan xafladan la filayo in aad loo agaasimi doono.

Puntland State House + GO

Related Articles

Villa Somalia oo Fahfaahin ka bixisay heshiis Xasan Sheekh la galay Masar

Sidoo kale, Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay in la dardar-geliyo wada shaqeynta Hay'adaha Labada dal.

  • War Saxaafaded

    23-01-2025

  • 02:44PM

Xukunka laga soo saarey dil ka dhashay Kaararka Barakacayaasha

Eedeysanaha oo dilka kadib Baxsaday, ayaa gacanta Hay’addaha ammaanka waxa uu soo galay labaatankii bisha afaraad ee Sanadkaan 2024.

  • War Saxaafaded

    19-09-2024

  • 01:31PM