Akhriso Go’aamada kasoo baxay Shirka dardargelinta dhameystirka hawlgalka Calmiskaad

Image
Image
Image
Image

Boosaaso: 24 April 2025: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Baari Shire, ayaa Shir-Guddoomiyey Shirka dardargelinta dhameystirka hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee (Hillaac) oo wejigii saddexaad marayo meel gebogebo ah.

Shirka oo ay ka qeybgaleen Saraakiisha Amniga iyo heerarka kala duwan ee masuuliyiinta Dowladda ee ka shaqeynaya hawlgalka, ayaa Madaxweynuhu warbixin uga dhegaystay masuuliyiinta, wuxuuna boggaadiyay shaqada la qabtay iyo qorsheyaasha lagu dhameystirayo hawlgalka.

Go’aamada kasoo baxay Shirka :
1. Waxaa la faray Laamaha Amniga in tallaabo adag laga qaado Hubka sharci darada ah, Gaadiidka lagu keeno iyo cidkastoo ku lug leh.
2. Waxaa markale lagu celiyay mamnuucida Ajaanibta Sharci darada kusoo gelaysa Puntland iyo qulqulka tahriibta, masuuliyiinta heer degmo, Gobol iyo saraakiisha Amniga waxaa la farayaa in ay ka hawlgalaan qululka tahriibta .
3. Illaa Amar danbe waxaa Gaadiidka Badda (Saxiimadaha/ Doonyo) ee rakaabka iyo xamuulka laga mamnuucay xeebaha deegaannada hawlgalku ka socdo, wixii xaalad gaar ah waxay ku safrayaan ogolaansho.
4. Waxaa la joojiyay in wax Raashin iyo sahay ah oo aan ogolaansho haysan, ama la aqoon meesha ay u socoto, u gudbaan deegaannada hawlgalku ka socdo.

Kulanka waxaa lagu boggaadiyay shacabweynaha Puntland, dalka iyo dibaddaba sida ay garab istaaga ugu muujiyeen Ciidankeenna geesiyaasha ah ee hawlgalka kujira, waxaana lagu booriyey in ay halkaasi kasii wadaan garab istaaga Hawlgalka.

-DHAMMAAD-

Related Articles

Villa Somalia oo Fahfaahin ka bixisay heshiis Xasan Sheekh la galay Masar

Sidoo kale, Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay in la dardar-geliyo wada shaqeynta Hay'adaha Labada dal.

  • War Saxaafaded

    23-01-2025

  • 02:44PM

Xukunka laga soo saarey dil ka dhashay Kaararka Barakacayaasha

Eedeysanaha oo dilka kadib Baxsaday, ayaa gacanta Hay’addaha ammaanka waxa uu soo galay labaatankii bisha afaraad ee Sanadkaan 2024.

  • War Saxaafaded

    19-09-2024

  • 01:31PM