Isku-shaandheyn lagu sameeyay Gollaha Wasiiradda Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay xubno cusub oo ka mid noqonaya Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gudanaya waajibka Dastuuriga ah ee ku xusan qoddobada 97, 98 iyo 100aad ee dastuurkaga KMG ah, isla markaana uu tixgeliyay talada Madaxweynaha JSF, uuna garawsaday hawlaha baaxadda leh ee horyaalla Xukuumadda, waxa uu magacaabay xubnaha wasiirrada hoos ku xusan:

1. Gen. Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobbe) – Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka.
2. Cumar Cali Cabdi – Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga.
3. Mudane Siciid Maxamed Maxamuud (Xayd) – Wasiiru dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guriyeynta.
4. Mudane Maxamuud Cabdiqaadir Xaaji (Jeego) – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha.

Xukuumadda Xamza ayaa lagu eedeeyay waxqabad la'aan, islamarkaana ay shaqadeedii noqotay mid Xafiiska Madaxweynaha laga hago.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo qaabiley Wafdi sare oo Muqdisho soo gaarey

Soomaaliya ayaa kamid noqotay Ururka Bulshadda Bariga Afrika dhawaan kadib dadaallo ay sameeyeen dowladihii ugu dambeeyay ee dalka.

  • War Saxaafaded

    25-07-2024

  • 05:59PM

Mu’asasada Almaxaasin oo Soomaaliya ka fulinaysa mashruuc hilibka Udxiyada masaakiinta lagu gaarsiinayo

Hawsha ayaa si taxadar leh loo soo agaasimay si loo hubiyo in si cadaalad ah oo habsami leh loo gaarsiiyo gargaarka dadka u baahan.

  • War Saxaafaded

    17-06-2024

  • 10:52AM