Xukunka laga soo saarey dil ka dhashay Kaararka Barakacayaasha

Image
Eedeysanaha oo dilka kadib Baxsaday, ayaa gacanta Hay’addaha ammaanka waxa uu soo galay labaatankii bisha afaraad ee Sanadkaan 2024.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dable Xoogga Maxamud Cabdulle Geesood “AJ” oo ka tirsan Guutada 7-aad ee XDS, ayaa loo soo xiray dil bareer ah oo degmadda Xarardheere ee gobolka Mudug uu u geystay Marxuum Xasan Cabdullaahi Axmed “Qeylo”, Taariikhdu markii ay aheyd Sagaal iyo Tobankii Bisha Labaad ee sanadkaan 2024.

Dilka ayaa yimid kadib markii la isku qabsaday qeybinta Kaararka ay bixiyaan hay’addaha caawiyo dadka danta yar, muran iyo Isqab-qabsi kadibna waxaa xigtay in Eedeysanaha uu rasaas ku furo Marxuumka, halkaas ayuuna ku geeriyooday Xasan Cabdullaahi Axmed.

Eedeysanaha oo dilka kadib Baxsaday, ayaa gacanta Hay’addaha ammaanka waxa uu soo galay labaatankii bisha afaraad ee Sanadkaan 2024.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Seddexdii bishaan September 2024.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay Ex Dable Xoogga Maxamud Cabdulle Geesood “AJ” dil toogasho oo ah Qisaasta marxuum Xasan Cabdullaahi Axmed “Qeylo”

Sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Isku-shaandheyn lagu sameeyay Gollaha Wasiiradda Soomaaliya

Xukuumadda Xamza ayaa lagu eedeeyay waxqabad la'aan iyo , islamarkaana ay shaqadeedii noqotay mid Xafiiska Madaxweynaha laga hago.

  • War Saxaafaded

    27-07-2024

  • 02:34PM

Xasan Sheekh oo qaabiley Wafdi sare oo Muqdisho soo gaarey

Soomaaliya ayaa kamid noqotay Ururka Bulshadda Bariga Afrika dhawaan kadib dadaallo ay sameeyeen dowladihii ugu dambeeyay ee dalka.

  • War Saxaafaded

    25-07-2024

  • 05:59PM