Mu’asasada Almaxaasin oo Soomaaliya ka fulinaysa mashruuc hilibka Udxiyada masaakiinta lagu gaarsiinayo

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Mu’asasada Al-Maxaasin ee horumarinta iyo waxbarashada oo kaashanaysa xarunta Boqor Salmaan ee gargaarka Bini’aadantinimo ayaa ku dhawaaqday in la daahfuray mashruuca lagu qaybinayo hilibka udxiyada ee sanadkaan 1445 / 2024 ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Mashruucan bini’aadantinimo ayaa ujeedadiisu tahay in lagu taageero qoysaska dhibaataysan inta lagu guda jiro munaasabadda Ciidul Adxaa ee barakeysan, si kor loogu qaado qiyamka wadajirka bulshada iyo naxariista muslimiinta dhexdooda qoysaska u baahan, taas oo si togan uga tarjumaysa caafimaadkooda iyo badbaadadooda.

Mashruucan ayaa waxaa ka mid ah in hilib loo qaybiyo 53,280 qof ka-faa’iideystayaal ah oo ku kala nool deegaanada kala duwan ee ay dadka ku barakaceen iyo kuwa baahan ee Soomaaliya.

Hawsha ayaa si taxadar leh loo soo agaasimay si loo hubiyo in si cadaalad ah oo habsami leh loo gaarsiiyo gargaarka dadka u baahan.

Mashruucani waxa uu ka mid yahay mashaariicda hay’adda Boqor Salmaan ee gargaarka bini’aadantinimo ee lagu taageerayo shacabka Soomaaliyeed, iyada oo la fulinayo mashaariic badan oo dhinacyo kala duwan ah sida biyaha, caafimaadka, waxbarashada, kor u qaadista sugnaanta cuntada iyo buuxinta baahiyaha aasaasiga ah ee dadka nugul ee bulshada dhexdeeda.

Related Articles

Isku-shaandheyn lagu sameeyay Gollaha Wasiiradda Soomaaliya

Xukuumadda Xamza ayaa lagu eedeeyay waxqabad la'aan iyo , islamarkaana ay shaqadeedii noqotay mid Xafiiska Madaxweynaha laga hago.

  • War Saxaafaded

    27-07-2024

  • 02:34PM

Xasan Sheekh oo qaabiley Wafdi sare oo Muqdisho soo gaarey

Soomaaliya ayaa kamid noqotay Ururka Bulshadda Bariga Afrika dhawaan kadib dadaallo ay sameeyeen dowladihii ugu dambeeyay ee dalka.

  • War Saxaafaded

    25-07-2024

  • 05:59PM