Mursal oo Soomaaliya ku matelaya Shir ka furmay Jordan [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

JORDAN - Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sh.C/raxmaan, ayaa khudbad ka jeediyay Shirka 29-aad ee Midowga Baarlamaanada Carabta oo Shalay ka furmay Magaaladda Cammaan ee Dalka Jordan.

Mursal, ayaa ugu horeyn u mahad celiyay Boqorka iyo Shacabka Dalka Jordan oo shirka marti geliyay iyo sidoo kale Baarlamaanka Dalkaasi, wuxuuna ku dheeraaday xaaladaha siyaasadeed, dhaqaale iyo mida bulsho ee guud ahaan dalalka carabta Oo ay Soomaaliya qeyb ka tahay.

Guddoomiyaha ayaa u sheegay madaxda Baarlamaanada Carabta in Soomaaliya horumaro dhinacyo badan leh ay sameysay, inta dhimanna Shacabka iyo Dowladoodda oo iskaashanaaya ay si wadajir ah u dhameystiri doonaan.

Mursal, ayaa sidoo kale khudbaddiisa kaga hadlay xaaladda Dalka Falastiin iyo dhibaatooyinka degaannadooda ka jira, wuxuuna sheegay in ay yihiin Dad xaq u leh in ay yeeshaan Dowlad xarunteedu tahay Magaaladda Qudus.

Sidoo kale Wuxuu Dowladaha Carabta uga mahad celiyay dedaalka ay mar walba la garab taaganyihiin Shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladdooda, isagoo ku dhiirra geliyay in ay sii wadaan taageeradooda si Dowladda Soomaaliyeed ay uga mira dhaliso horumarrada kala duwan ee ay ku tallaabsatay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa khudbaddiisa kusoo gaba gabeeyay dhibaatooyinka kooxaha Argagixisada ah, wuxuuna madaxda shirka ka qeyb galeysa uu la wadaagay hagar-daamooyinka ay kooxaha nabad diidka ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan qaraxyadii ugu dambeeyay ee ay ka geysteen Magaaladda Muqdisho.

Wuxuu sheegay in ay lagama maarmaan tahay in si wadajir ah loo wajaho ciribtirka Malleeshiyaadka Argagixisada ah, iyadoo loo wajahayo hab kasta oo lagaga hortagi karo, si Dalalka Carabta iyo kuwa Gobolka oo dhan ay u noqdaan meelo ka caaggan nabad-diidka oo aysan gabbaad ka dhigan.

Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa muddada uu joogo Magaaladda Cammaan ee Dalka Jordan waxa uu halkaasi kulamo kula qaadan doonnaa Madaxda Wadankaasi iyo qaar ka mid ah Waddamada Carabta.

- DHAMAAD -

Related Articles

Xukunka laga soo saarey dil ka dhashay Kaararka Barakacayaasha

Eedeysanaha oo dilka kadib Baxsaday, ayaa gacanta Hay’addaha ammaanka waxa uu soo galay labaatankii bisha afaraad ee Sanadkaan 2024.

  • War Saxaafaded

    19-09-2024

  • 01:31PM

Isku-shaandheyn lagu sameeyay Gollaha Wasiiradda Soomaaliya

Xukuumadda Xamza ayaa lagu eedeeyay waxqabad la'aan iyo , islamarkaana ay shaqadeedii noqotay mid Xafiiska Madaxweynaha laga hago.

  • War Saxaafaded

    27-07-2024

  • 02:34PM