Shirkadda Hormuud Telecom iyo Wasaarada Deegaanka iyo isbadalka Cimillada Soomaaliya oo kala saxiixday Heshiis Is-afgarad

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Deegaanka iyo isbadalka Cimillada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Al Maqzuumi iyo Gudoomiyaha Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom Mudane Axmed Maxamuud Yuusuf ayaa heshiis Is-afgarad ah oo wada-shaqeyn dhanka degaanka ah ku kala saxiixday xarunta Wasaaradda. 

Heshiiska ayaa ku saabsan horumarinta iskaashiga ilaalinta deegaanka iyo wax ka qabashadda dhibaatooyinka ka dhasha Isbedelka Cimiladda, oo saameyn ballaaran ku yeeshay dunida guud ahaan gaar ahaan Soomaaliya, oo eey ka dhasheen dhibaatooyin dhaqaale iyo kuwo bulsho.  

Si looga hortago ama xal loogu hesho saameynta isbeddelka cimilada, Shirkadda Hormuud ayaa balan-qaadey inay ka qeyb-qaadanayso dib u dhireynta Soomaaliya, iyadoo hadafka uu yahay dal cagaaran oo barwaaqo ah. Dhibaatooyinka maanta ka taagan Soomaaliya waxay inta badan salka ku hayaan Isbedelka Cimiladda, waxaana kamid Fatahaadaha iyo abaaraha soo noq-noqday. 

Hormuud Telecom waxay gacan ka geysan doontaa wacyigelinta, beerista dhirta, iyo wadaagista aqoonta si loola dagaallamo isbedelka cimilada. Wadashaqeyntani waxay astaan ​​u tahay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday ilaalinta deegaanka, si jiilasha soo socda u dhaxlaan  deegaan wanaagsan, oo caafimaad qaba. 

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Axmed Cumar Maxamed ayaa sheegay in heshiiska uu yahay mid waxtar u leh bulshadda Soomaaliyeed, islamarkaana Hormuud oo door ku leh noloshada bulshadda kaalin mug leh ka qaadan doonto wax ka qabashadda Saameynta Isbeddelka Cimilada ee Soomaaliya. 

"Maanta tallaabada la qaaday, waa tallaabo aad u ballaaran oo mudo laga soo shaqeynayay, oo miraheedii maanta aan joogno, oo halkan ay ku saxiixeen Wasiirka iyo Gudoomiyaha Shirkadda Hormuud, waa heshiis dowladda iyo dadka Soomaaliyeed u leh faa'ido aad u badan," ayuu yiri Wasiiru-dowlaha. 

Isbeddelka cimiladu waa dhibaato caalami ah oo sii kordheysa taasoo u baahan dadaal wadajir ah oo ka yimaada dhammaan dalalka caalamka.  Wadanka Soomaaliya oo wali kasoo kabsanaya aafada dagaalka sokeeye, saameynta isbeddelka cimilada ayaa si isa soo taraysa waxyeello u geysanaysa dadka, degaanka iyo duunyada intaba. 

Maadaama ay tahay Hormuud Telecom Shirkadda ugu ballaaran dalka waxay qaaday tillaabooyin la taaban karo si ay uga qayb qaadato dagaalka caalamiga ah ee ka dhanka ah isbedelka cimilada, iyadoo 84% qalabkoodu uu hadda ku shaqeeyo tamarta cadceedda, iyadoo hiigsanaysa inay gaarto 100%, taasoo muhiim u ah ilaalinta degaanka. 

Soomaaliya waxaa sanadihii ugu dambeeyay la soo darsay abaaro iyo daadad aad u saameeyay wax soo saarkii dalagga beeraha, waxaana xusid mudan in shirkadda Hormuud  ay gacan weyn ka geysatay gurmadka iyo samata bixinta dadka ay saameeyeen dhibaatooyinkaas ka dhashay isbedelka Cimiladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Isku-shaandheyn lagu sameeyay Gollaha Wasiiradda Soomaaliya

Xukuumadda Xamza ayaa lagu eedeeyay waxqabad la'aan iyo , islamarkaana ay shaqadeedii noqotay mid Xafiiska Madaxweynaha laga hago.

  • War Saxaafaded

    27-07-2024

  • 02:34PM

Xasan Sheekh oo qaabiley Wafdi sare oo Muqdisho soo gaarey

Soomaaliya ayaa kamid noqotay Ururka Bulshadda Bariga Afrika dhawaan kadib dadaallo ay sameeyeen dowladihii ugu dambeeyay ee dalka.

  • War Saxaafaded

    25-07-2024

  • 05:59PM