Abiy oo hogaan cusub u magacaabay ismaamulka Tigray
ADDIS ABABA, Ethiopia – Dowladda federaalka ee Itoobiya ayaa bedeshay madaxii maamulka kumeelgaarka ah ee Tigray, oo ah gobol in ka badan lix biloodii bilood ee lasoo dhaafay ay hareeyeen colaado dhiig badan ku daatay.
Mulu Nega ayaa xilka hayay tan iyo bishii Nofeembar, wax yar uun ka dib markii Ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, uu ku dhawaaqay olole militari oo ka dhan ah TPLF), xisbiga hayay talada gobolka ku yaala woqooyiga dalkaas isla markaana xukumayay siyaasada heer qaran muddo tobanaan sano ah.
Mulu waxaa lagu badalay Abraham Belay, oo ka soo shaqeeyay wasiirka hal-abuurnimada iyo tikniyoolajiyadda ee dawladda federaalka, sida lagu shaaciyey qoraal uu xafiiska Abiy ku daabacay Twitter Khamiista maanta ah.
"Magacaabistu waxay ka dhalatay dib-u-eegis lagu sameeyay waxqabadka mudada lixda bilood," ayuu yiri Billene Seyoum, oo ah afhayeenka Abiy kasoo u waramay wakaaladda wararka ee AFP. Abraham wuxuu xubin ka yahay Xisbiga Barwaaqada ee Abiy shaaciyey markii uu xukunka la wareegay 2018-dii.
Abiy wuxuu sheegay 4-tii Nofeembar inuu ciidan u dirayo Tigreega kadib markii uu ku eedeeyay kooxda TPLF inay abaabushay weeraro lagu qaadayo xeryaha ciidamada federaalka.
Kooxda TPLF, oo hogaanka u haysay isbahaysiga xukumayey Itoobiya muddo ku dhow 30 sano ilaa Abiy uu qabtay xafiiska 2018, ayaa beeniyay sheegashadaas waxayna sheegtay in weerarka la soo sheegay uu marmarsiinyo u yahay "duulaan" ay soo qaadaan ciidamada federaalka iyo ciidamada isbahaysiga ee ka socda dalka ay deriska yihiin ee Eritrea.
Kadib markii ciidamada federaalka ay qabsadeen caasimada gobolka ee Mekelle bishii Nofeembar, Mulu wuxuu damcay inuu isku dayo inuu dhiso dowlad kumeel gaar ah xitaa iyadoo dagaalo ka dhaceen meelo kale oo gobolka ka mid ah.
Abiy, oo ku guuleystey Abaalmarinta Nobel Peace Prize ee 2019, ayaa ku dhawaaqay guusha ka dhanka ah Tigree dabayaaqadii Nofeembar, balse hogaanka TPLF wuxuu wali yahay baxsad, waxaana dhacaya dagaalo teel-teel ah.
Colaadda ayaa la rumeysan yahay inay ku dhinteen kumanaan qof, haddii aysan ka badnayn kuna barakaceen in ka badan hal milyan, oo ay ku jiraan qaar ka mid ah 60,000 oo u qaxay dalka ay deriska yihiin ee Suudaan.
Warbixino isa soo taraya oo muujinaya dil wadareedyadda, kufsiga iyo gaajada baahsan ayaa keentay baaq caalami ah iyo baaqyo cadaadis ah oo ku saabsan ka bixitaanka ciidamada Eritrea, kuwaasoo ku lug lahaa qaar ka mid ah weeraradii ugu xumaa ee loo geysto dadka rayidka ah ee la diiwaan galiyay ilaa iyo haatan, oo ay ku jiraan kufsi wadareedyada arxan darada ah.
Ereteriya ayaa waxay beenisay inay ku lug leedahay xadgudubyada, hasa ahaatee, waxay qiratay in ciidamaddo ka joogaan ismaamulka Tigray, waxaana ay carabka ku adkeysay in askarta ay uga saareyso sidda ugu dhaqsiyaha badan.
GAROWE ONLINE