Askar Itoobiyaan ah oo dalbadey magangalyo caalami ah

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia - Qiyaastii 120 askar hore oo ka shaqeynayey howlgal nabad-ilaalin kana kasoo jeeda Itoobiya oo dhowr gobol kuna jiro kan waqooyiga dhaca ee Tigray ay saameeyeen colaado u dhexeeya qowmiyadaha, ayaa magangelyo weydiistay Suudaan, sida Axaddii ay shaaca ka dhigtay Qaramada Midoobay.

Ciidamadda ayaa lagu waday in dib loogu celiyo dalkooda iyagoo qayb ka ah bixitaankii hawlgalka ee ergada nabad ilaalinta UN-ka ee UNAMID ee galbeedka Suudaan si gaar ah gobolka Darfur markii mudadooda ay dhammaatay 31-kii Diseembar.

"Ilaa hada, 120 ka mid ah ciidamadii hore ee UNAMID ee nabad ilaalinta oo la doonayey in dalkooda dib loogu celiyo ayaa dalbaday magangalyo caalami ah," ayuu yiri afhayeen u hadlay nabad ilaalinta UN-ka lana hadlay wakaalada wararka AFP.

Hay'adda Qaxootiga UN-ka ee UNHCR, ayaa sidoo kale xaqiijisay in nabad ilaaliyayaashii hore ay magangalyo ka codsadeen Suudaan oo xiisad siyaasadeed kala dhaxeyso Addis Ababa.

"Waxaa loo kaxeynayaa meel nabadgelyo leh oo lagu guda geli karo si loo ogaado xaaladdooda qaxootinimo," ayay UNHCR tiri yada oo aan wax faahfaahin ah laga bixin sababta ku kaliftay.

Lama shaacin in dhamaan nabad ilaaliyayaashii hore ee magan galyo doonka ahaa ay asal ahaan ka soo jeedaan gobolka Tigray ee Ethiopia oo colaad ka jirto lixdii bilood ee lasoo dhaafay.

Colaadda Tigray ayaa ka dhex-qarxday bishii November ee la soo dhaafay ciidammada federaalka Itoobiya iyo hoggaamiyeyaasha xisbiga talada haya ee gobolka, waxaana ku dhintay kumanaan qof.

Dagaalku wuxuu sababay in ilaa 60,000 oo qaxooti ah ay u qaxaan dalka ay deriska yihiin ee Suudaan, oo ah wadan la daalaa dhacaya dhaqaale xumo iyo kala guur aan fiicnayn tan iyo bishii Abriil 2019 ee xukunka laga tuuray hogaamiyihii awooda badnaa ee Cumar Al-Bashiir.

Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, oo ku guuleystay abaalmarinta Nobel Peace Prize ee 2019, ayaa sidoo kale la daalaa dhacaya rabshadaha qowmiyadeed ee ka socda gobollada kale, oo ay ku jiraan Amxaaro, Oromiya iyo Benishangul-Gumuz.

UNAMID, oo la geeyay Darfur ilaa 2007, waxay biloowday bishii Janaayo si ay ula baxdo shaqaalaheeda hubaysan iyo rayidka ah, oo tiradoodu ahayd ilaa 8,000. Shaqadaas waa in lagu dhammeeyaan muddo lix bilood gudahood.

Daarfuur waxaa ka dhacay dagaal ba’an oo u dhexeeya fallaagada qowmiyadaha laga tirada badan yahay ee Sudan, kana cabanayey in la takooro, ayna kala kulmayaan bulshooyinka Carabta ee gacanta ku haya Khartoum. Dagaalka waxaa ku dhintay ilaa 300,000 oo qof waxaana ku barakacay 2.5 milyan, sidda ay sheegtay U.N.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM

Itoobiya oo ka digtay in aqoonsiga Somaliland uu fursad siin karo Al-Shabaab

Wuxuu intaas ku daray in xaaladdaasi ay Al-Shabaab siin karto fursad ay si fudud weerarro uga fuliso Soomaaliya iyo Somaliland.

  • Afrika

    17-10-2026

  • 05:50AM