Xasan Sheekh oo 200 casho jirsaday: 57 qarax, 308 geeri iyo 18 safar

Image
Tirokoob ay Garowe Online sameysay ayaa sidoo kale wuxuu muujinayaan in ay dhaceen 26 dilal gaadmo ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Labo boqol maalmood ayaa u buux-santey hogaaminta Xasan Sheekh Maxamuud tan iyo markii mar labaad dib loogu doortey xilka madaxweynaha Soomaaliya 15-kii May sanadkan 2022.

Xasan oo 67-jir ah ayaa isla markii uu xafiiska la wareegay awooda maamulkiisa u jiheeyay la dagaalanka Al-Shabaab. Dadka dhaliilsan ayaa rumeysan in "qorshe la'aan" ay dowladda ku gashay gulufka.

Tani ayaa dhabaha u xaartey in xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ay si adag kaga falceliyaan. Weerar toos ah iyo qaraxyo uu dhiig ku daatay ayay ka fuliyeen magaalooyin ay kamid tahay caasimada Muqdisho.

Mudada lixda bilood ee Xasan xafiiska joogo, Al-Shabaab ayaa guud ahaan dalka ka geysatay 57 qarax oo ay ku naf-waayeen 308 ruux kuwaasoo badankoodu ahaa shacab aan waxba galabsan.

Sidda ay muujineyso tirokoob uu sameeyay Garowe Online, magaala madaxda waxaa ka dhacay 26 dilal qorsheysan oo lagu beegsadey saraakiil iyo nabadoono. Xasan ayaa sidoo kale wuxuu galay 18 safar dibadda ah.

Gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab

Ku dhowaad afartii bilood ee lasoo dhaafay, dowladda Soomaaliya ayaa qaadey howlgalo saddex geesood oo ka dhan ah Al-Shabaab - dhanka ciidanka, dhaqalaaha iyo fikirka.

Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha federaalka ah ayaa dhowaan wuxuu shaaciyey in in ka badan 600 Al-Shabaab ah lagu dilay howlgaladan isla markaana lagu xoreeyay ku dhowaad 63 degaano ah.

Howlgaladan ayaa barbar socda "kacdoonka shacabka" ee dowladda Farmaajo ay ka gaabisay in ay taageerto. Dhanka kale, wuxuu ololahan sarre u qaadey adeegsiga qabiilka.

Dadka ka faalooda arrimaha siyaasadda Soomaaliya ayaa aaminsan kororka adeegsiga qabiilka uu sarre uu waxyeelo u geysan karo dowladnimadda isla markaana uu dhiiragelin karo colaad beeleedyo.

"Waxaa la arkayay siyaasiyiin ay Xildhibaano ku jiraan kuwaasoo si bareer ah u adeegsanaya magacyada qabiilo Soomaaliyeed. Saameyn aan wanaagsaneyn ayay keeni kartaa mustaqbalka," ayuu yiri falanqeeye.

Dilalka gaadmada u dambeeyay

Nov 30, 2022: Dabley aan haybtooda la aqoonsan ayaa degmada Dayniile ee Muqdisho waxay ku dishay Marxuum Cumar Khaliif Xasan oo ahaa madaxii Samafalka Barakacayaasha.

Nov 22, 2022: Kooxo hubeysan oo fal-dambiyeedka kadib baxsade ayaa toogatay Maxamed Xuseen Sebriye oo u tartamay kursiga HOP33 ayaa lagu khaarijiyey Wadajir, Muqdisho.

Nov 14, 2022: Rag ku hubeysanaa bastoolada ayaa isgoyska Ex-kontarool Afgooye ee duleedka caasimada Muqdisho waxay ku dishay nabadoon Macalin Cabdullaahi Cabdiraxmaan.

Nov 12, 2022: Nabadoon Xasan Cali Aybakar oo kamid ahaa odayaasha dhaqanka ee aadka looga yaqaanay magaala madaxda ayaa kooxo hubeysan ay dileen xilli uu salaad cisho kasoo baxay.

Nov 12, 2022: Maleyshiyaad loo maleynayo in ay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab ayaa degmadda Dayniile ee Muqdisho waxay ku khaarjiyeen Jeneraal Cabdullahi Xusen Warsame.

Qaraxyadii ugu dambeeyay

Oct 17, 2022: Todoba qof oo u badan dad shacab ah ayaa lasoo wariyey in ay ku geeriyoodeen qarax loo adeegsadey gaari oo ka dhacay xaafada Ceelqalow ee magaaladda Muqdisho.

Oct 29, 2022: Laba qarax oo ka dhacay isgoyska Soobe gaar ahaan afaafka Wasaaradda Waxbarashadda xukuumadda federaalka ah ayaa sababay dhimashadda in ka badan 177 ruux iyo dhaawaca ku dhowaad 300 kale.

Nov 5, 2022: Weerar Ismiidaamin oo lala eegtay xerada Jeenraal Dhagobadan ee magaalada Muqdisho ayaa sababtey dhimashadda 15 dhalinyaro ah oo saf ugu jiray kamid noqoshadda milatariga Soomaaliya.

Nov 5, 2022: Tobban dhalinyarro ah oo loo qorayay kamid noqoshadda ciidamadda Soomaaliya ayaa ku dhimatay ka gadaal markii qof naftii-halige ah uu isku-miidaamiyey banaanka Xero NacNac ee Muqdisho.

Nov 27, 2022: Lix dabley Al-Shabaab ah oo uu ku jiray hal is-miidaamiye ayaa muddo 23 saac ah waxay haysteen Villa Rays Hotel oo ku dhow Madaxtooyadda Qaranka halkaasoo la rumeysan yahay in ay ku khaarijiyeen 15 ruux.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirka Muqdisho: Ma Ka daran dibi dhal baa mise Waan socon way-nee aan Oradno?

Falcelin kala duwan ayaa laga bixiyay qoraalka uu gabagabada Kulanka ka faafiyay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

  • Faalada Warka

    17-10-2024

  • 05:04AM

Muxuu isbaheysiga 2024 uga duwan yahay xulafadii 2018?

Masar iyo Eritrea ayaanan wax joogitaan ciidan ah ku lahayn gudaha Soomaaliya halka Itoobiya ay ciidamo badan ka joogaa gudaha waddanka.

  • Faalada Warka

    10-10-2024

  • 02:40PM