'Dhimashadu way ka fiicnayd nolasha qaxootinimada Libya'

Image

Saacadihii hore ee maanta oo Arbaco ah, 122 qaxooti ah, oo kasoo jeeda badankood Eritrea iyo Soomaaliya ayaa laga dejiyay Garoonka Diyaaradaha Diori Hamani oo ku yaalla magaalada Niamey ee caasimadda dalka Niger, galbeedka Qaaradda Africa.

Iyadoo maanta ay tahay maalinta Qaxootiga aduunka, ayaa madaxa UNHCR Filippo Grandi wuxuu diyaaradda kala soo raacay qaxootigan markii ay kasoo duuleen magaalada Tripoli ee caasimadda dalka Libya, oo ah marinka ugu weyn ee muhaajiriinta Africa ka galaan Yurub. 

"Maalmahaan waa maalmo muro leh, oo aanan marnaba iloobi doonin, waana maalmo dareen leh," ayuu Filippo Grandi, u sheegay Al Jazeera, oo uu qadka Telefoonka ugu waramay isagoo ku sugan Garoonka Tripoli kahor sodcaalkiisa Niger.

Mashruucaan looga soo daabulayo dadkaan wadanka Liibiya waxaa loogu talagay in lagu soo qaado 53,000 oo Tahriibayaal, kuwaasoo sanadkii hore ay diiwaan-gelisay Qaramadda Midoobay.

1,409 oo kamid ah dadkaas waxaa laga soo dejiyay maanta magaalada Niamey, halka 173 kamid ah loo kala diray dalalka Netherlands, Sweden iyo Switzerland, si halkaas nolal wacan uga helaan.

Filippo Grandi, ayaa wuxuu bogaadiyay mashruucaan, isagoona sheegay inuu yahay mid fariin udiraya madaxda caalamka, inkastoo uu daboolka ka qaaday inay tahay mid aan gaariisaneen heerkii loo baahnaa.

"Siyaasadaha adag ee ku dooda ka dhalisay sodcaalka muhaajiriinta Yurub, waxaan dooneynaa wiiqno, oo aan fariin cad ugu dirno mashruucaan madaxda caalmka, si xal loogu helo Qaxootiga," ayuu ku daray.

- Sheekooyinka murugada Leh -

Ammy, oo ah Hooyo 33 jir ah, oo dalbatay inaan la adeegsanin magaceeda oo buuxa, sababo jira awgeed, ayaa la wadaagtay wariyaasha sheekooyin qaracan ah, kuwaasoo ay kula soo kulantay dalka Liibiya.

"Waa run ma ahan shaqo wanagasan, inaan halkaan [Niger] imaano, balse, inaad ku noolaato Libya waxaa dhaanta adigoo iska dhinta," ayay hadalkeeda kusii dartay Hooyaddaan u dhalatay dalka Eritrea.

Mar walba oo ay hadleysa waxaa indhaheeda soo joogsanayey Ilmo, waxayna kusoo cel-celisay Erayo ay kamid yihiin "Bakhaar, Garaacis iyo Lacag," taasoo kooxaha magafayaasha ah kala kulmayeen.

Ammy ayaa waxay tilmaamtay in dhibaatada ugu badan loo geysanayey Raga, oo ay tilmaamtay in lagu ciqaabayey biyo dhexdooda, loona dhaqmayey sida dad dhintay oo kale.

"Inagoo ka badan 200 Haween ah ayaan ku jirnay Hal qol, maa ragno wax Qorax ah, marka laga reebo hal mar, oo ah marka Ilaadu soo furaan Albaabka, oo ay noo keenayaan Hal Saxan oo Baasto," ayuu calaan-cashay.

Muhaajiriinta Afrikan ah ee usafreysa Yurub, ayaa badankooda wuxuu ujeedkoodu yahay inay helaan nolal ka duwan mida dalkooda ku haysata, iyagoo gala safar dheer oo Barriga iyo Badda isugu jira, waxayna la kulmaan dhibaato midii ugu xumeed oo Bani'aadam uu la kulmo.

Hogaamiyaasha Afrikaan ah ayaa waxaa lagu dhaliilaa inay ka gaabiyeen wax ka qabashadda dhibaatooyinka Tahriibka, iyagoona si gaar ah diiradda u saara sidii ay xilka usii ahayn lahayeen.

Dalalka Yurub ayaa waxay iyagana ay noqdeen kuwa qaati ka taagan Tahriibayaasha kusii qulquleysa dalalkooda, waxaana dalalka qaarkood ay iska diideenba inay soo dhaweeyaan, taasoo xaalad meel xun gaarsiisay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM