Dowladda Jabuuti oo magdhow siinaysa DP World

Image

JABUUTI - Dowladda Jabuuti ayaa qorsheynaysa inay lacag magdhow ah, oo gaareysa Nus-milyuun oo Dollar [$500,000] ay siiso shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraaadka Carabta.

Lacagtaan oo la bixin doono horaanta Todbaadka soo socda ayaa waxaa ujeedka uu yahay si loogu xaliyo muran ka dhaxeeya labadda dhinac, kaasoo ku saabsan maamulka Dekadda weyn ee Doraleh, oo horey u maamuli jirtay Shirkadda DP World.

Wareysi uu siiyay Financial Times, Abuubakar Cumar Haadi oo ah gudoomiyaha Dekadaha iyo maamulka Aaga xorta ah ee dowladda Jabuuti ayaa sheegay in DP World u celinayaan lacag magdhaw ah, si loo soo afjaro muran Dekedda Doraleh.

"Annaga ma dooneyno wax dhex-dhexaadin ah, DP World waa inay nala fariisataa, oo lacagta magdhawga ah qaadato kadibna iska tagto," ayuu yiri Abuubakar.

Gudoomiyaha ayaa intaasi ku daray in Jabuuti aysan diyaar u ahayn dhex-dhexaadin laga sameeyo arinta Dekedeeda, islamarkaana waxa kaliya ay ogashay hadda tahay inay u celiso DP World lacag magdhaw ah.

Bishii Febuary ee sanadkan, dowladda Jabuuti ayaa kala laabatey DP World ruqsadii maalgashiga Dekedda Doraleh, oo ah mida ugu casrisan Geeska Africa, kadib khilaaf labada dhinac soo kala dhex-galay kaasi oo labada dhinac xal u waayeen.

Khilaafka ayaa soo ifbaxay kadib markii DP World ay Somaliland la gashay heshiis maalgashi ah oo ay ku ballaarinayso dekedda Berbera, waxaana qeyb ka ah qandaraaskaas dowladda Itoobiya oo 19% ku leh dakhliga adeegyada Dekedda.

Dekadaha Berbera iyo Doraleh -waxay ku yeelaan Badda Cas, halkaasoo marin u ah Gaadiidka Badda ee kasoo baxa Xeebaha dalalka Geeska Afrika ee ka yimaada Khaliijka, iyadoo 30% ay tahay meesha lasoo marsiiyo shixnaha caalamka.

"Waxay isku dayeen inay maamulaan Dekedo kale oo badan oo ku yaalla Badda Cas," ayuu yiri Haadi, isagoo intaasi ku daray in DP World ay muujisay inaysan dooneynin inay si buuxda u isticmaalin Dekedda Doraleh, halkaasina uu ka dhashay khilaafka.

Shirkadda DP World wali wax qoraal ah kama aysan soo saarin hadalkaan kasoo yeeray dowladda Jabuuri, laakiin Bayaan ay horey usoo saartay waxay sheegtay inaanu ku xadgudbin iyadda heshiiskaas.

Laakiin, mudane Haadi oo la su'aalay cadadka lacagta ma uusan sheegin, isagoo tibaaxay inay ku jaan-goyn doonan qiimaha boqoleyda oo ay DP World ay ka faa'idi lahayd sanadkiiba heshiiska 20-ka sano ee socda ku maamuli lahayd Dekedda.

Sanadkii la soo dhaafay, DP World ayaa kaga guuleysatay dowladda Jabuuti kiis dhex-dhaxaadin ah, kaasoo sheegayay in shirkadda ay bixisay lacago laaluush si mudo dheer usoo maamusho Dekedda, laakiin kadib loo waayay wax caddeymo ah.

Khilaafka u dhexeeya Jabuuti iyo DP World ayaa noqday mid kamid ah kuwa ugu xasaasisan caalamk ah, iyadoo uu ku dhawaaday inuu saameeyo dalalka deriska la ah Jabuuti oo ay ugu horeeyaan Soomaaliya iyo Eritrea.

Jabuuti ayaa ah marin muhiim u ah caalamka, iyadoo ka dul-qaaday Soomaaliya iyo Eritrea, waxayna marti gelisaa labaduba - shixnaddaha maraakiibta iyo Saldhiyadda militeri, kuwaasoo qaarkood looga duulo kooxaha burcad-badeeda Soomaalida.

Marekanka, Shiinaha, Faransiiska, iyo Japan ayaa waxay ku leeyihiin Jabuuti Saldhigyo ciidan, kuwaasoo Jabuuti sanad kasta ay ka qaado lacag canshuur ah oo ballaayiin doolar ah.

Itoobiya oo ah dal aan lahayn wax dekad ah, islamarkaana ah kan labaad ee Afrika ugu dadka badan ayaa dhowaan heshiis la galay Jabuuti, kaasoo u ogolaanaya inay isticmaalaan Dekadaha Jabuuti, iyadoo ay is-dhaafsaday saamiyo shirkadda diyaaradaha iyo Isgaarsiinta.

Bishii May, dowladda Itoobiya ayaa 19% oo saami ah waxay ku yeelatay heshiiska Berbera, haasoo shirkadda DP World ay ku leedahay 51%, halka maamulka Somaliland uu isana ku leeyahay 30%, laakiin dowladda Soomaaliya ayaa heshiiskaas kasoo horjeesatay, oo waxba kama jiraan ku tilmaantay.

Bishii lasoo dhaafay ee May, Itoobiya ayaa heshiis muran dhaliyay oo is-fahan ah la saxiixatay dowladda Soomaaliya, kaasoo ay ku maal-geshaneyso afar kamid ah dekadaha dalka, kaasoo loo arkay in xukuumada Muqdisho ku sharciyaysay heshiiska Bebera.

Bishaan July, Itoobiya waxay heshiis nabadeed ay la saxiixatay Eritrea, iyagoo soo afjaray colaad muddo 20-sano ah ka dhexsay, waxaana sidoo kale ay Itoobiya halkaas loogu ogolaaday inay adeegsatay Dekadaha Assab iyo Massawa, oo ku yaalla Badda Cas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Daruuro Mugdi ah oo Dul Hoganaya Bariga Dhexe Kadib Xabbad-joojin Aan Adkeyn

Itamar Ben-Gvir, oo ah siyaasi xagjir ah, ayaa ku tilmaamay xabbad-joojinta…

  • Caalamka

    28-11-2024

  • 04:01AM

Xabbad joojintii Israa'iil iyo Xisbullah oo dhaqan-gashay ka dib sannad dagaal ah

Ballanqaadka ah in la ixtiraamo qaraarkii 2006, ee ahaa in Xisbullah ay ka guurto xuduudda Israa'iil, ayaa udub dhexaad u ah heshiiska xabbad joojinta.

  • Caalamka

    27-11-2024

  • 11:49AM