Mareykanka oo soo bandhigay "caddeynta" dhimashada Baqdaadi

Image

WASHINGTON, US – Milatariga Mareykanka ayaa baahiyey sawirro iyo muuqaalo ay ku sheegeen "caddeynta" dhimashada Abuubabar Al Baqdaadi, hogaamiyihii kooxda la magac baxday dowladda Islaamka.

Muuqaalka oo warbaahinta lala wadaagay ayaa muujinaya ciidamadda oo rasaas ooga uga qaadaya hoyga Baqdaadi oo ku yaala waqooyi bari ee Suuriya, kadibna Gentaalo la dhacaya guriga oo kadib "dhulka la sin-maya".

Al Baqdaadi ayaa kadib ku cararaya god dhulka hoostiisa ku yaala, halkaas oo kolkii dambe uu isku qarxiyey isaga oo wehliyaan saddex caruur.

Ma jiro askari Ameerikaan ah oo wax ku noqday howlgalkan oo ay iska kaashadeen dowladdo waaweyn. Madaxweyne Donald Trump ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay Turkiga, Ruushka, Ciraaq iyo Kurdiyiinta Suuriya.

Kooxda Daacish ayaa illaa iyo haatan wax war ah kasoo saarin sheegashada Mareykanka ee dilka Amiirkeeda, wallow warbaahino kala duwan oo kooxdu leedahay ku kala qeybsameen xaqiijinta warka geerida.

Maalin kadib dilka Al-Baqdaadi, Mareykanka ayaa tilmaamay in uu khaarijiyey ruuxii lagu waday in uu bedelo hogaamiyaha dhintay, kaasoo ahaa afhayeen. Haatan laba ruux ayaa aad loogu saadaalinayaa jagaddan.

ISIL, oo bari xukumeysay dhul badan oo Suuriya ka tirsan, ayaa la rumeysan yahay in haatan ay baaqi u yihiin dagaalameyaal gaaraya 14-kun.

Dhimashadda Al-Baqdaadi ayaa la aaminsan yahay in ay dharbaaxo ku noqoneyso howlgaladda waaweyn ee maleyshiyaadka, taas oo uu Trump ku sifeeyay "kooxdii ugu arxanka darneyd ee aduunyadda soo marta".

Saraakiisha sirdoonka Mareykanka ayaa tibaaxay in hoyga Baqdaadi ay kasoo heleen "macluumaadyo muhiiim ah" kuwaas oo ay kamid tahay weeraro waaweyn oo ka dhan ahaa qaar kamid ah dalalka aduunka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM