Midowga Yurub oo Netanyahu ka diiday dalabka Qudus

Image

Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub ayaa sheegtay in "ururka u dhan yahay" in la taageero in Qudus ay caasimad u noqoto dowlad mustaqbalka ay Falastiin yeelato iyo Israa'iil.

Federica Mogherini ayaa sheegtay in xubnaha midowga aysan Qudus u aqoonsan doonin in ay tahay caasimadda Israa'iil, illaa heshiis nabadeed oo dhammeystiran laga gaarayo.

Waxay hadalkaasi jeedisay ka dib markii ay la kulantay ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu, oo doonayay in EU ay taageerto go'aankii Trump uu Qudus ugu aqoonsaday caasimaddooda.

Tallaabadii madaxweyne Trump waxaa ka dhashay caro iyo dhalleeceyn caalami ah. Dalalka Islaamka ayaa si adag u dhalleeceeyay tallaabadaasi uu qaaday Madaxweynaha Mareykanka.

Ms Mogherini, oo ka hadlaysay shir jaraa'id oo si wada jir ah Brussels ugu wada qateen ayada iyo Netanyahu, ayaa tilmaamtay in midowga Yurub uu sii wadayo in uu aqoonsado "go'aanka caalamiga ah" ee Qudus ku saabsan.

"Waa in aan dhahaa in Ra'iisul wasaare Netanyahu uu ka arkay wasiirada in Midowga Yurub u dhan yahay arrintan. Xalka keliya ee suuragalka ah ee dagaalka loo helo, waa midka dhexmaraya Israa'iil iyo Falastiin, kuna saleysan laba dal oo caasimad ay u tahay Qudus."

"EU iyo dalalka xubnaha ka ah waxay xushmeynayaan go'aanka caalamiga ah ee Qudus illaa xal laga gaarayo khilaafka goobaha barakeysan, oo loo marro wadahadal toos ah oo ay yeeshaan labada dhinac".
Laakiin Netanyahu ayaa tilmaamay in go'aanka Mareykanka uu yahay mid lagu garwaaqsaday "xaqiiqada".

Wuxuu hadda ku sugan yahay Brussels oo wada xaajood kula leeyahay wasiirada arrimaha dibadda ee EU. Waa markii ugu horeysay oo ra'iisul wasaare Israa'iili ah booqdo Brussels muddo 20 sanno ah.

Dibadbaxyo ka dhan ah go'aanka Trump ee Qudus ayaa weli ka socda gobolka. Goobaha ugu dambeeyay waxaa ka mid ah Daxaya oo ah deegaan uu ururka Xisbullah ku xoog badan yahay ee Bayruut.

Isagoo ka hadlayay meel aan la shaacin, hoggaamiyaha Xisbullah, Xasan Nasrallah ayaa sheegay: "In Trump uu moodayay in caasimadaha caalamka iyo dalalka Carabta ay ku taageeri doonaan go'aankiisa".

"Hadda wuxuu u muuqdaa in la cidleeyay, Israa'iil oo keli ah ayaa taageertay," ayuu hadalkiisa raaciyay.

Boqollaal Falastiiniyiin ah oo ku nool Daanta Galbeed ayaa weli sii wada in ay dhagxaan ku tuuraan ciidamada Israa'iil; Sidoo kale shacabka Tehraan iyo Bayruut ayaa loogu baaqay in ay isu soo baxaan.

Xilligii Trump uu ku dhawaaqayay go'aankiisa ku aadan Qudus, wuxuu sidoo kale amray in safaaradda Mareykanka ee Tel Aviv loo raro Qudus.

Maxay tahay doodda ragaadisay xaaladda magaalada barakeysan ee Qudus?
Arrinta Qudus waxay xuddun u tahay dagaalka u dhexeeya Israa'iil iyo Falastiin oo taageero ka heleysa dalalka Carabta iyo guud ahaan Muslimiinta caalamka.

Magaaladan waxay meel barakeysan oo diimeed u tahay Muslimiinta, Yahuudda iyo Masiixiyiinta, si gaar ah bariga magaalada Qudus.

Israa'iil ayaa qeybtaasi Bariga ka qabsatay Urdun ka dib dagaalkii Bariga Dhexe ee 1967, waxeyna magaalada oo dhan u aragtaa in ay tahay caasimaddeeda aan la kala goyn karin.
Sida uu dhigayo heshiiskii nabadda ee Israa'iil iyo Falastiin ee 1993, marxaladda magaalada Qudus waxay ahayd in looga doodo kulamadii ka dambeeyay midkii lagu saxiixay heshiiskaasi.

In Qudus ay leedahay Israa'iil weli caalamka muusan aqoonsan, dunida oo dhanna waxay safaaradohooda ku yaallaa Tel Aviv.

Tan iyo 1967, Israa'iil waxay Bariga Qudus guryo badan uga dhistay qiyaastii 200,000 oo Yahuud ah. Caalamka ayaa deegaameyntaas u arka mid sharci darro ah, In kastoo Israa'iil ay diiday arrintaas.

Haddii Mareykanka uu Qudus u aqoonsado caasimadda Israa'iil taasi waxay noqoneysaa in guryaha bariga Qudus ay sharci u leeyihiin Bulshada Yahuudda.

Tijaabinta Bariga Dhexada cusub
Siyaasadda cusub ee Trump waxaa ka dhalatay caro ballaaran oo ka timi dunida Carabta iyo Islaamka iyo xulafada Mareykanka.

Dhulka barakeysan ee Qudus ayaa ah waxa lagu muransan yahay, taas oo micneheedu yahay in hoggaamiyayaasha Carabta ay yar tahay in ay hoos uga dhacaan qaabkan waaqiciga ah, ayna ugu dambeyn la qabsadaan arrimaha muhiimka ah ee uu ku saleysan yahay dagaalka u dhexeeya Falastiin iyo Israa'iil.

Urdun iyo Sacuudiga oo isu arka in ay yihiin ilaalada dhulka barakeysan ee Islaamka ayaa soo saaray digniin ah in arrintan ay hurin doonto Dunida Islaamka.

Laakiin kacdoonkii Carabta ayaa sababay in muhiimmaddii Falastiin ay meesha ka baxdo waxaana loo weecday arrimo muhiim ah sida Iraan iyo dhibaatada dalalka Khaliijka.

Sidaa aawadeed, Falastiiniyiinta waxay qaadeen tallaabo xoogaa u muuqatay mid caqliyeysan oo ay kula shaqeynayaan Israa'iil, waxayna u baahnaayeen in Trump uu ku lug yeesho.

Haddii dalalka Carabta iyo kuwa Islaamka ay qeylada sii wadaan ayagoo aan ficil ku darin, tijaabadan cusub ee lagu sameeyay waxay dhalin doontaa gobol la dhoho Bariga Dhexada cusub.

Arrinta waxay salka ku haysaa laba dal
Marka la is hor fariisto, su'aasha ma noqoneyso in caasimadda Israa'iil ay tahay Galbeedka Qudus? Balse waxaa laga doodi doonaa in dhulka lahaysto ee Bariga Qudus ay noqoto caasimadda dal ay Falastiiniyiintu leeyihiin.

Mr Trump ayaa arrintaasi ka dhigay mid macquul ah isagoo sheegay in maamulkiisa uusan go'aan rasmi ah ka qaadan goobaha barakeysan, "sida xudduudaha ay Israa'iil u madax bannaan tahay ee Qudus, ama xallinta goobaha la isku haysto".

Taasi waxay muujineysaa in Falastiiniyiinta ay sheegtaan Bariga Qudus weli looga hadli karo wada xaajoodyada. Balse ma uusan kala cadeyn Mr Trump arrintaa, sidoo kale ma uusan ka hadlin in ujeedada ugu dambeysa ay tahay in la helo laba dal oo deris wanaag uu ka dhexeeyo.

Taasi bedelkeeda, wuxuu sheegay in Mareykanka uu taageerayo xalka noocaas ah haddii labada dhinac ay ku heshiiyaan: ma ahayn sinnaan la'aanta ay Falastiiniyiinta raadinayeen.

Ugu dambeyntii Trumo waxba uma ballan qaadin Falastiiniyiinta, hadalkiisa oo dhanna wuxuu ahaa mid uu ku taageeray, awoodna ku siiyay Israa'iil.

Xigasho: BBC

Related Articles

Daruuro Mugdi ah oo Dul Hoganaya Bariga Dhexe Kadib Xabbad-joojin Aan Adkeyn

Itamar Ben-Gvir, oo ah siyaasi xagjir ah, ayaa ku tilmaamay xabbad-joojinta…

  • Caalamka

    28-11-2024

  • 04:01AM

Xabbad joojintii Israa'iil iyo Xisbullah oo dhaqan-gashay ka dib sannad dagaal ah

Ballanqaadka ah in la ixtiraamo qaraarkii 2006, ee ahaa in Xisbullah ay ka guurto xuduudda Israa'iil, ayaa udub dhexaad u ah heshiiska xabbad joojinta.

  • Caalamka

    27-11-2024

  • 11:49AM