​Shirkii Istanbul oo lasoo gaba-gabeeyay

Image

ISTANBUL- Kulan muddoo labo maalin ah u socday hogaamiyayaasha caalamka, madaxda Qaramada Midoobay, wakiillada deeq bixiyayaasha, hay'adaha gargaarka kuwa caalamiga ah iyo kuwo aan dowliga ahayn, ayaa lasoo gaba gabeeyay.

Ujeedka shirka, ayaa ku saabsanaa sidii wax looga badali lahaa nidaamka wax looga qabto dhibaatooyinka bini'aadaminimo ee ka dhasha khilaafyada, dagaallada, masiibooyinka dabiiciga ah iyo isbadalka cimilada, waxaana la tilmaamay in lagu guuldaraystay ilaalinta sharciga caalamiga ah ee bini'aadaminimada.

Qaramada Midoobay, ayaa madasha shirka ka sheegtay in dhibaatadaasi hoos loo dhigo islamarkaana, waqtiga markuu yahay 2030 la kala baro tirada dadkii dhibanaa oo hoos loo dhig, maadama ilaa 60 Milyan oo qof, dunida ku guryo beelay, sababahaas awgood, ilaa 130 milyan oo ka mid ah waa dad u baahan in la caawiyo.

Wuxuu yiri Xoghayaha Qaramada Midoobay Ban ki Moon "Waxaan idinku dhiirigalinayaa in aad xal muddada dheer ah u heshaan qaxootiga iyo barakacayaasha si wadajir ahna loo qaybsado mas'uuliyadda"

Madaxwaynaha Turkiga Tayyib Erdogan, ayaa isna xaaladda bini aadanimo ee qaxootiga dalkiisa ku sugan ka hadlay, wxuuna sheegay xusay inay dhibaato badan haysato islamarkaana loo baahanyahay in wax laga qabto.

"Heerka burburka nidaamka bini'aadaminimo ee dunida wuxuu gaaray mid laga naxo. Dalka Turkiga waxaa ku sugan ilaa 3 million oo qaxooti ah, waxa uuna sheegay in culayskooda lagu daayay dalka Turkiga. Qaxootiga Adduunka oo dhan kaligay ayaa marti galin kara, laakiin waxa muhiim ah in si siman in loo qaybsado, oo cid walba mas'uuliyad iska saarto,"Ayuu yiri madaxweynaha Turkiga oo shirka khudbad ka jeedinyay.

Madaxwanaha Bank-ga adduunka, Jim Yong Kim, ayaa xusay in in ka badan 70 sano diiradda la saarayay horumarinta muddada dhexe iyo tan fog, balse dhibaatada bini'aadaminimo ee dunida ay gaartay heer lagu tilmaamo tii ugu darnayd ilaa dagaalkii labaad ee dunida.

Madaxwaynaha Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud, oo isna ka hadlay dhibaatada dunida ka jirta, ayaa sheegay in dalka Soomaaliya ka mid yahay goobaha tacaddiga ugu badan ka jiraan, horumarka waxyaabaha hortaagan ay ka mid yihiin kooxaha argagixisada, sidaas awgeed ay muhiim u tahay in wax laga qabto.

Wuxuu ku dheeraaday muhiimadda ay xawaaladuhu u leeyihiin dalka Soomaaliya, isagoo sheegay in xawaaladuhu kaalin mug leh ka qaataan, oo 40% daqliga dalka soo galo ay yihiin xawaaladaha, ayna ka badan tahay gargaarka dalku ka helo dunida.

30-40% ayuu sheegay in dhaqaalihii dalka ka soo gali jiray uu hoos u dhacay sababo la xiriira bankiyada ganacsi ee dibedda oo xiray akownadoodii.

Balse, Madaxwayne ku xigeenka dalka Kenya, William Ruto ayaa isaguna ka codsaday madaxda caalamka in gacan laga siiyo sidii loo xiri lahaa xeryaha qaxootiga Dadaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa Kenya ugu baaqday in ay ku soo noqoto wadaxaajoodka sadex geesoodka ah ee labada dowladood iyo Qamada Midoobay u socday.

Shirkan ayaa la filayaa inuu xal u noqdo waxyaabo badan oo dunida ka jira gaar ahaan tacaddiyada haysta dadka dhibaatada u nugul.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM