Ajendeyaasha lagu gorfeynayo kulanka dowladda iyo mucaaradka
MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo hogaamiyeyaasha mucaaradka ayaa saacadaha soo aadan ku kulmaya Madaxtooyadda, sidda uu xaqiijiyey xafiiska madaxweynaha.
Kulankaan ayaa waxaa la filayaa in lagu faa'qido muranadii u dambeeyay ee ka dhashay socdaaladii magaalooyinka Kismaayo iyo Beledwayne.
Xildhibaan Ilyaas Cali Xasan, oo ka tirsan xisibiga Himilo Qaran, ayaa shaaca ka qaadey in hogaamiyeyahooda Shariif Sheekh Axmed uu kasoo muuqan doono kulanka oo qabanqaabadiisa ay haatan socoto.
Xasan Sheekh Maxamuud, hogaamiyaha xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka, ahna madaxweynihii 8aad ee dalka ayaa la sheegayaa in uu diyaar u yahay in uu ka qeybgalo kulanka oo isha lagu hayo.
Xubnaha mucaaradka ayaa horey xukuumadda ra'iisul wasaare Xasan Cali Khayre ugu eedeeyay in maamulka hawada dalka ay u adeegsato "hub siyaasadeed ahaan".
Cabdinuur Axmed Maxamed, afhayeenka Farmaajo, ayaa kaliya ku adkeystay in kulanka ajandihiisu yahay doorashadda la filayo in ay dalka ka qabsoonto 2020-ka taasoo la filayo in ay noqoto qof iyo cod.
Xubin ka tirsan Madasha Xisbiyadda Qaran, ayaa u sheegay Garowe Online in ajendaha ay ku jiraan doorashooyinka maamuladda iyo xiritaanka wadooyinka Muqdisho "oo bulshadda dhibaato ku qabto".
"Kulanka maanta ay yeelanayaan Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweyneyaashii hore Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Mudane Xasan Sheekh".
"....ajandihiisa ugu muhiimsan waa arrimaha doorashooyinka 2020 iyo sidii ay Xukuumadda ugala shaqeyn lahaayeen in hannaan doorasho oo hufan oo qof iyo cod ah ay dalka ka dhacdo".
"....awooddana dib loogu celiyo shacabka Soomaaliyeed si ay u doortaan madax iyo xildhibaanno iyaga si toos ah wakiil uga ah," ayuu Cabdinuur ku yiri qoraal uu baraha bulshadda soo dhigay.
Shirkaan oo qabsoomidiisa mudooyinkii dambe aad loo hadalhayey ayaa kusoo aadayaa xili dowladda Qadar ay ergay gaar ah u dirtay wada xaajoodyadda kaasoo la kulmay hogaamiyeyaasha mucaaradka.
GAROWE ONLINE