Al-Shabaab oo iska fogeysay dilka Ikraan Tahliil Faarax

Image
Hay'adda sirdoonka Soomaaliya ayaa shaacisay in haweenaydan ay khaarijisay kooxda hubeysan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Maleyshiyada Al-Shabaab ayaa gaashaanka ku dhufatay in ay ku lug-leeyihiin dilka la sheegay in lagula kacay Ikraan Tahliil Faarax, sarkaal ka tirsan sirdoonka Soomaaliya.

"Kama dammbeyno waxbana kama ogin dilka gabadha lagu magacaabo Ikraan Tahliil ee u shaqeyneysa hay'adda NISA, la yaab ayeyna nagu noqotay in sirdoonka dowlada nagu masabido dilka gabadhaas," ayaa lagu yiri qoraal Al-Shabaab maanta soo saartay.

Hooyada dhashay Ikraan ayaa horey u sheegtay "in hadii la dilay Gabadheeda ay u heysato Fahad Yaasiin, oo ah taliyaha NISA iyo gacanta midig ee madaxweynaha waqtigu ka dhamaadey Farmaajo.

Dhanka kale, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), taliyihii hore ee hay'adda sirdoonka iyo nabad sugidda Soomaaliya ee NISA, ayaa uu BBC-da u sheegay in uu isaga shaqada qorey Ikraan Tahliil, shakina uu ka qabo sida dilkeeda loo sheegayo ay wax u jiraan.

Hay'adda nabad-sugida iyo sirdoonka Soomaaliya ayaa Khamiistii shalay waxay ku dhawaaqdey "in Al-Shabaab ay dishay Ikraan Tahliil Faarax kadib markii ay u gacan-gashay".

Qoraal kasoo baxay NISA oo ciwaan looga dhigay "Ujeeddo: Warbixin iyo Tacsi" ayaa lagu sheegay "in ay ku daba jirta dhagar qabayaashii geystay falkaas arxan darrada ah".

Dhawaqa NISA ayaa wuxuu kusoo beegmaya xilli todobaadkii hore ay hooyada Ikraan ay ku hanjabtay in ay qadiyadeeda isku rogi doonto dagaal qabiil haddii cadaalad ay u heli wayday Inanteeda.

Ikraan oo la waayey laba bil kahor ayaa xilal kala duwan kasoo qabatay mukhaabaraadka Soomaaliya. Madaxa amniga internet-ka iyo madaxa xafiiska xuquuqul insaanka ayaa kamid ah jagooyinka shaac-baxsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad oo loo magacaabayo Wasiiru dowlaha Madaxtooyadda - XOG

Cali Balcad wuxuu ahaa wakiilka gaarka Madaxweyne Xasan Sheekh arrimaha wadahadalka Itoobiya iyo hirgelinta heshiiskii Ankara.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:37AM

Aadan Madoobe oo Cabsi in xilka laga qaado u furi la'yahay Gollaha Shacabka

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Madoobe, ayaa ilaa hadda ka jawaabi waayay eedeymaha soo baxay.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:09AM