Al-Shabaab oo shaacisay jinsiyada is-qarxiyihii Camaara

Image
Warbaahinta ku hadasha afka maleyshiyada ayaa warisay in naftii-haligaha uu ahaa ajnabi.

MUQDISHO, Soomaaliya - Maleyshiyada Al-Shabaab ayaa shaacisay in ismiidaamiyaha weerarkii degaanka Camaare ee gobolka Mudug uu u dhashay kuna soo barbaaray magaalada Mombasa ee Kenya.

Sida uu muujinayo cod ay faafisay warbaahinta ku hadasha afka kooxda, magaca is-qarxiyahaas waa Cabdirisaaq Zaynudiin. Codkaas wuxuu sidoo kale tusinayaa isaga oo ku hadlaya luuqada Sawaaxiliga.

Codka ayaa la maqlayaa isaga oo ugu hanjabaya ciidamadda Soomaaliya. Sidoo kale, dagaalameyaasha xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ayuu ku booriyey "in ay safkiisa naf-halignimada ah kusoo biiraan".

Bishii hore ee August, 2021 ayay ahayd markii Al-Shabaab ay weerartay Camaara si gaar ah saldhiga ay ku sugnaayeen ciidamada huwanta ah ee qabsadey waxaana lasoo wariyey khasaaro kala duwan.

Qaraxa kadib waxaa xigay dagaal toos ah oo dhexmaray ciidamadda iyo dagaalameyaasha Al-Shabaab. Illo madax-banaan waxay xuseen in khasaaraha wadarta labada dhinac ay ka badan tahay 30 qof.

Al-Shabaab ayaa si gaar ah waxay u sheegatay in ay dishay 31 askari ayna soo furatay gaadiid iyo saanad ciidan oo kalkii dambe ay warbaahinta ugu soo bandhigtay muuqaal iyo sawirro ay ku faafisay internet-ka.

Mas'uuliyiinta Galmdug oo duray sheegashada Al-Shabaab ayaa intaas ku daray in ay ka hortageen ismiidaaminta. Waaxda amniga maamulka waxay tibaaxdey in ay burburisay "dhagar argagixisada soo maleegtey".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya oo cabsi amni darteed u diiday Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya inuu dalkeeda galo

Dowladda Kenya ayaa masaafurisay Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji.

  • Soomaliya

    29-06-2026

  • 07:56AM

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM