Axmed Cali Daahir oo dalbaday "cafis" xili uu xilka wareejiyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Suleymaan Maxamed Maxamuud, xeer Ilaaliyaha cusub ee Soomaaliya oo xilka kala wareegay Axmed Cali Daahir, ayaa waxaa loo dhaariyey jagadda xili uu balanqaadey hufnaan iyo daacadnimo.

Mr Daahir oo xilka looga qaadey digreeto 25-kii bishaan November ee sanadkan 2019 kasoo baxday xafiiska madaxweyne Farmaajo ayaa wuxuu jagadan hayey ku dhowaad lixdii sano ee lasoo dhaafay.

Munaasabadda xil wareejinta oo uu khudbad ka jeediyay ayaa wuxuu ugu mahadceliyey xubnihii lasoo shaqeeyay oo uu kula dardaarmay howlkarnimo iyo in ay la shaqeeyaan xeer-ilaaliyaha cusub "oo aysan is-dhigan".

"Anigu waan daalay lix sannaan meeshaan joogay. Markaan daalay waxaa laga yaabaa in aan shaqadii ka gaabiyey," ayuu hadalkiisa ku daray.

Wuxuu raaciyey: "Hadaad ila gaabiseen, hadda nin cusub ayaan idin yimideen, inta uusan usha idin ku dhufanin ka horumara, ka dheereeya".

Gabagabada hadal-jeedintiisa, Axmed Cali Daahir, ayaa cod dheer wuxuu ku waydiistay dhamaan howladeenadda xafiiskiisa in ay ka cafiyaan "wixii qalad ah".

"Annigana waan cafiyey, ciddii aan wax ka tabanaayo," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Daahir oo gacanta ku hayey kiiska badda ee Soomaaliya iyo Kenya oo horyaala Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ee ICJ.

Xeer-beegtadda hoostagta Qaramadda Midoobay oo galkaan loo gudbiyey bishii August ee sanadkii 2014-kii ayaa June 2020 waxay dib u bilaabeysaa dhageysiga ugu dambeeya iyadda oo kadib soo saareysa xukunka dacwada.

Dhinaca kale, Suleymaan Maxamed Maxamuud oo munaasabadda kadib loo dhaariyey xafiiska ayaa balanqaadey in uu horumarin doono aqoonta shaqaalaha xeer-ilaalinta uuna xidida u siibi doono "raadinta cadaalo darro".

"Waxaan rabaa in aan gaarno in qofka Soomaaliga uu ku kalsoonaado shaqadda la qabanaayo daacadnimo iyo hufnaanna in ay meeshaan ka jirto dadka ay marqaati ka noqdaan," ayuu Suleymaan ka sheegay xafladda.

Soomaaliya oo tan iyo 1991-dii kasoo kabaneysa burbur ka dhashay dagaal sokeeye ayaa la tilmaamaa in nidaamka garsoorka uu liito, taas oo ay Qaramadda Midoobay sheegtay in rayidka qaar ku riixdey in argagixisada u tagaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Masar oo ka hadashay Qaraxii lala eegtay Dhalinyarada qoranaysay Askarta

Bayaanka Masar ayaa si cad u sheegay taageerada dowladda Masar ee hay’adaha Soomaaliyeed, gaar ahaan ciidanka iyo ciidamada amniga.

  • Soomaliya

    19-05-2025

  • 12:56PM

Milanka Al-Shabaab ee Ciidanka Qaranka oo Walaac Dhalinaya Kadib Dilalka Taliyeyaal Sare

Khabiirada amniga ayaa si isa soo taraysa uga digaya in Al-Shabaab ay si qoto dheer ugu milantay Ciidanka Qaranka.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 04:26PM