Axmed Cali Daahir oo dalbaday "cafis" xili uu xilka wareejiyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Suleymaan Maxamed Maxamuud, xeer Ilaaliyaha cusub ee Soomaaliya oo xilka kala wareegay Axmed Cali Daahir, ayaa waxaa loo dhaariyey jagadda xili uu balanqaadey hufnaan iyo daacadnimo.

Mr Daahir oo xilka looga qaadey digreeto 25-kii bishaan November ee sanadkan 2019 kasoo baxday xafiiska madaxweyne Farmaajo ayaa wuxuu jagadan hayey ku dhowaad lixdii sano ee lasoo dhaafay.

Munaasabadda xil wareejinta oo uu khudbad ka jeediyay ayaa wuxuu ugu mahadceliyey xubnihii lasoo shaqeeyay oo uu kula dardaarmay howlkarnimo iyo in ay la shaqeeyaan xeer-ilaaliyaha cusub "oo aysan is-dhigan".

"Anigu waan daalay lix sannaan meeshaan joogay. Markaan daalay waxaa laga yaabaa in aan shaqadii ka gaabiyey," ayuu hadalkiisa ku daray.

Wuxuu raaciyey: "Hadaad ila gaabiseen, hadda nin cusub ayaan idin yimideen, inta uusan usha idin ku dhufanin ka horumara, ka dheereeya".

Gabagabada hadal-jeedintiisa, Axmed Cali Daahir, ayaa cod dheer wuxuu ku waydiistay dhamaan howladeenadda xafiiskiisa in ay ka cafiyaan "wixii qalad ah".

"Annigana waan cafiyey, ciddii aan wax ka tabanaayo," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Daahir oo gacanta ku hayey kiiska badda ee Soomaaliya iyo Kenya oo horyaala Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ee ICJ.

Xeer-beegtadda hoostagta Qaramadda Midoobay oo galkaan loo gudbiyey bishii August ee sanadkii 2014-kii ayaa June 2020 waxay dib u bilaabeysaa dhageysiga ugu dambeeya iyadda oo kadib soo saareysa xukunka dacwada.

Dhinaca kale, Suleymaan Maxamed Maxamuud oo munaasabadda kadib loo dhaariyey xafiiska ayaa balanqaadey in uu horumarin doono aqoonta shaqaalaha xeer-ilaalinta uuna xidida u siibi doono "raadinta cadaalo darro".

"Waxaan rabaa in aan gaarno in qofka Soomaaliga uu ku kalsoonaado shaqadda la qabanaayo daacadnimo iyo hufnaanna in ay meeshaan ka jirto dadka ay marqaati ka noqdaan," ayuu Suleymaan ka sheegay xafladda.

Soomaaliya oo tan iyo 1991-dii kasoo kabaneysa burbur ka dhashay dagaal sokeeye ayaa la tilmaamaa in nidaamka garsoorka uu liito, taas oo ay Qaramadda Midoobay sheegtay in rayidka qaar ku riixdey in argagixisada u tagaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM