Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo u hanjabay Somaliland

Image
Dhawaqan ayaa la xiriira barakicinta qasabka ah ee shacabka looga qaxiyey Laascaanood.

BAYDHABO, Koonfur Galbeed - Koonfur Galbeed ayaa shaacisay in ay la xisaabtameyso dadka ku lugta leh "falka guracan" ee shacabka kasoo jeeda degaanada maamulkaas sida qasabka ah looga soo barakiciyey Laascaanood.

Guddiga joogtada ah ee golaha wakiilada maamulkaas oo cambaareeyay talaabadaas ayaa sidoo kale wuxuu ku wargeliyey Somaliland in ay "meel ku sheegto hantida ay kasoo tageen dadkaas".

"Sidoo kale, dhibaatada soo gaarta naftooda iyo hantidooda waxaa lagula xisaabtamayaa maamulka Somaliland," ayaa la raaciyey war qoraal ah oo kasoo baxay kulan guddiga ku yeeshay magaaladda Baydhabo.

Dadweynaha kasoo jeeda Koonfur Galbeed ee ku kala sugan daafaha aduunka ayay ku tartarsiiyeen "in ay u diyaar-garoobaan gurmadka iyo soo dhaweynta dadkaas walaalahooda ah ee lasoo barakiciyey".

Dhanka kale, dowlada Puntland, Galmudug iyo HirShabelle ayay kaga mahadceliyeen martigelinta iyo u gargaarida dadkaas oo tiradooda lagu qiyaasay in ka badan saddex kun oo ay ku jiraan boqolaal haween iyo caruur ah.

"Ugu dambeyn, guddiga joogtadda ah wuxuu u mahadnaqayaa dhamaan cid walba oo arrintaas ka dhiidhisay ee dareenkooda muujisay," ayaa lagu soo gabagabeeyay war-saxaafadeedkan nuqul kamid ah uu arkay Garowe Online.

Qadiyada barakicinta qasabka ah ee shacabkaas ayaa gaartey heer caalami iyadda oo Qaramada Midoobay ay kamid tahay darafyadda diidmadda xoogan ka muujiyey kuna baaqay in loo ogolaado in ay ku noqdaan goobahoodda.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM

Soomaaliya: Agaasimihii Hore ee NISA oo Wasiirka Gaashaandhigga Ku Eedeeyay Cabsi-gelin Siyaasadeed

Hadalka Sanbaloolshe ayaa yimid kaddib markii Wasiir Axmed Macallin Fiqi uu sheegay in dowladda ay "u naxariisatay".

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 08:53PM