Booliska Jowhar oo xabsi u taxaabay afar dhalinyarro ah

Image
Ma jiro fahfaahin ciidamaddu ka bixiyeen dhacdadan. Balse, tafaasiil horudhac ah ayaa soo baxaysa.

MUQDISHO, Soomaaliya - Warar soo baxaya ayaa sheegaya in booliska HirShabelle uu xalay caasimada Jowhar ku xiray afar dhalinyarro ah. Ma jiro fahfaahin ciidamaddu ka bixiyeen dhacdadan.

Balse, tafaasiisha laga helayo goobjoogeyaal iyo illo war gal ah ayaa waxay xuseysaa in la beegsadey kadib markii mid kamid ah uu xirtay Fanaanad ay ku buufsaneyd Hiiraan State.

Sida laga soo xigtey warbixinadda, saddexda dhalinyaro kalena waxaa lagu eedeeyay inay wax la ogaayeen qorshahaas oo saraakiisha qaar ku sifeeyeen "mid liddi ku ah dowladnimada".

Eedeynta ayaa waxay salka ku haysaa tabasho qeyb kamid ah bulshada dagta maamulkaas tirsaneyso gaar ahaan gobolka Hiiraan oo ku doodaya in aysan helin metelaad dhab ah iyo eexasho.

"Xalay ayaa laga qabtey magaalada dhexdeeda. Xalay ayay ku baryeen saldhiga booliska degmada Jowhar. Xalay ayaa xorriyadooda lagu xadgudubay," ayuu yiri goobjooge.

Madaxweynaha HirShabelle, Cali Guudlaawe, ayaa tan iyo markii la doortey wuxuu ku fashilmay isku-dayo dhowr ah oo uu doonayey in uu ku tago gobolkaas balse waxaa diidey siyaasiyiin.

Ololaha ka dhanka ah Guudlaawe ee gobolkaas waxaa hormuud u ah Jeneraal Caare kaasoo wada kacdoon hubeysan isaga oo si gaar ah hadda u doonaya in uu saameyn ku yeesho doorashadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM