Cabdi Xaashi oo tartan la'aan dib u hantey kursigiisa Aqalka Sare

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa ku guuleystay kursiga Aqalka Sare kadib doorasho aan lagula tartamin oo saakay ka billaabatay Teendhada Afisyooni.

Musharax lagu magacaabo Saciid Cumar ayaa kula qornaa kurnaa Kursiga tartankiisa, kaasoo ku dhawaaqay inuu doorashadda ka harey, iyadoo cod gacan taag ah loo sameeyay Cabdi Xaashi.

Cabdi Xaashi ayaa difaacdey kursigiisa kadib markii uu helay 44 cod, waxaa ka aamustey laba xubnood oo kamid ah ergada, sida uu sheegay guddiga doorashooyinka. Musharaxii la tartamaayey, Saciid Cumar Xuseen, ayaa ahaa mid malxiis ah.

Waxaa socota hadda doorashadda shanta kursi ee kale oo Maanta lagu dooranayo Muqdisho, waxaana la dilayaa in lasoo gaba-gabeeyo galabta.

Somaliland ayaa loo qoondeeyay 11 kursi, waxayna lamid tahay Puntland, iyadoo maamulada kale ay heleen min 8 kursi, kuwaasoo qaarkooda wali soo dhameytirin doorashadda, sida Jubbaland iyo Galmudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya oo cabsi amni darteed u diiday Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya inuu dalkeeda galo

Dowladda Kenya ayaa masaafurisay Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji.

  • Soomaliya

    29-06-2026

  • 07:56AM

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM