Caqabad soo wajahadey xulista Aqalka Sare ee HirShabelle

Image
Buuq iyo fowdo ayaa hareeyay doorashadda kursigii lixaad oo ay Jowhar martigelisay.

JOWHAR, HirShabelle - Buuq iyo oorin ayaa ka bilaabatay hoolka ay ka qabsoomeyso doorashada kursiga lixaad ee xubnaha maamulka HirShabelle ku metelaya Aqalka Sare baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya.

Fowdada ayaa waxay ka dambeysay markii Xildhibaan uu istaagay kadibna uu tagay goobta ay ka socotay tirinta codadka uuna shaaca ka dhgay "in doorashada aysan u socon si cadaalad ah".

Dhamaan telefishinada ayaa lagu amray in ay joojiyaan tabinta tooska ah. Si dhab ah looma ogga waxay ku dambeyn doonto masiirka doorashadan kursigan oo ay ku tartamayaan lix musharax.

Sidoo kale, mas'uuliyiinta ayaan wali wax fahfaahin ah ka bixin dhacdadan. Illo wareedyo waxay u sheegeen Garowe Online in gabi ahaanba hoolka doorashadda ka socotay lagu kala dareeray.

Dhanka kale, isla caawa sharci-dejiyeyaasha HirShabelle ayaa waxay doorteen Senator cusub kaasoo noqonaya xubintii shanaad ee afarta sano ee soo aadan ku metelaysa Aqalka Sare ee waddanka.

Axmed Maxamed Cali [Af-cadey] oo helay 52 cod ayaana hantey xubinimadaas ka gedaal markii uu ka adkaadey musharaxii la tartamayey oo ah Maxamed Amiin Cusmaan oo helay 44 cod.

Cusmaan oo isla goobta ka shaaciyey in uu u hogaan-samayo natiijadda uu ku dhawaaqay guddiga doorashooyinka iyo guddoonka Aqalka Wakiiladda ayaa maamulkan wuxu soo metelay afartii sano ee lasoo dhaafay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya oo cabsi amni darteed u diiday Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya inuu dalkeeda galo

Dowladda Kenya ayaa masaafurisay Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji.

  • Soomaliya

    29-06-2026

  • 07:56AM

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM