Ciidamo horleh oo lagu daabulay magaalada Dhuusamareeb

Image
Talaabadan ayaa la xiriirta "si ay looga hortago in Dhuusamareeb ay ku dhacdo gacanta Ahlu-Sunna".

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Dowlada Soomaaliya ayaa la sheegay in ay ciidamada Turkigu tababaray ee Gorgor ay ku daabushay magaalada Dhuusamareeb ee magaala madaxda dowlad goboleedkaas.

Sida ay sheegeen qaar kamid ah saraakiisha la hadashay warbaahinta maxaliga ah, talaabadan ayaa la xiriirta si ay looga hortago in Dhuusamareeb ay ku dhacdo gacanta Ahlu-Sunna.

Sidoo kale, saraakiisha oo magacyadooda ka gaabsadey ayaa laga soo xigtey in kooxda hubeysan ay hanatay degaano ku hareereysan caasimada tan iyo markii ay gacantooda gashay Guriceel.

Hogaanka Ahlu Sunna ayaa hadda ku sugan Guriceel. Sheekh Shaakir oo madax u ah kooxda hubeysan wuxuu sheegay in uu doonayo in ay dib ula wareegaan maamulka "si aan shacabka ugu adeegno".

Sida ay xaqiijinayaan warbixinadda horudhaca ah ee soo baxaya, goobihii ay ku sugnaayeen ciidamadan ayaa lagu wareejiyay cutubyo boolis ah kuwaasoo la qorsheynayo in ay adkeeyaan amniga.

Talaabadan ayaa kusoo beegmaysa xilli Galmudug ay u isku-diyaarineyso qabashada doorashooyinka xubnaha Aqalka Hoose ee ku metelaya baarlamaanka 11aad federaalka 4-ta sano ee soo aadan.

Nabad-gelyadda ayaa kamid ah caqabadaha ugu waaweyn ee horyaala doorashooyinka Soomaaliya iyadda oo laga cabsi qabo in Al-Shabaab ay saameyn ku yeelato xulista ergadda iyo odayaasha dhaqanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Somaliland oo is-dhaafsaday Maxaabiis Dagaal 

Wasiirku wuxuu ku tilmaamay is-weydaarsigan mid muhiim u ah dhismaha kalsoonida iyo xasilinta xiriirka labada dhinac.

  • Soomaliya

    30-04-2025

  • 09:36AM

Sheekh Aadan Madoobe oo lagu qasbay inuu Xildhibaan Abiib Kursigiisa u celiyo

Wasaarado katirsan Xukuumadda Xamse ayaa lagu soo waramayaa in warqadaha Abiib ay ku waayeen lacag badan iyo Mashaariic.

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 06:03PM