Galmudug oo qarka u saaran "inay gasho gacanta Ahlu Sunna"

Image

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Dagaal kooban ayaa saakay ka dhacay degaanka Bahool, oo qiyaastii 35-KM dhanka waqooyi uga beegan Dhuusamareeb, oo ah xarunta maamulka Galmudug.

Wararka ayaa sheegay in dagaalka uu billowday kadib markii Xoogaga taabacsan Ahlu Sunna ayaa weerar ku qaadeen Daraawiishta Galmudug oo degaanka ku sugnaa, waxaana lagu soo waramayaa inay labada dhinac helayaan gurmadyo.

Xiisada ayaa ka taagnayd degaanno katirsan Galgaduud Todobaadyadii lasoo dhaafay kadib markii Ahlu Sunna ay billowday inay dib isku abaabusho, islamarkaana ay la wareegto meelihii horey u maamuli jirtay.

Hogaanka sare ee Ahlu Sunna ayaa dhawaan dib ugu laabtay Galmudug, waxayna saldhig ka dhigteen magaaladda Guriceel, halkaasoo uu ka socda abaabulka guluf dagaal, sida ay sheegeen dadka degaanka.

Maclin Maxamuud oo ah aas-aasaha Ahlu Sunna ayaa sheegay in xoreynta Guriceel iyo Dhuusamareeb 10 sano kahor ay uga dhinteen in ka badan 3,000 oo wiil, islamarkaana aysan si sahlan uga tagi doonin.

Soo laabashadda Ahlu Sunna gobollada dhexe sanad iyo bar kadib waxay kusoo aadaysaa xili Ciidamada Galmudug iyo kuwa dowladda ay ku adkaatay inay Al-Shabaab ka saaraan koonfurta gobolka Mudug.

Madaxweyne Qoor-Qoor oo aad ugu mashquulsan arrimaha doorashooyinka ayaa muddo dheer ku sugan Muqdisho, oo saldhig ka dhigtay, iyaddoo Galmudug ay ka taagan yihiin dhibaatooyin kala duwan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya oo cabsi amni darteed u diiday Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya inuu dalkeeda galo

Dowladda Kenya ayaa masaafurisay Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji.

  • Soomaliya

    29-06-2026

  • 07:56AM

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM