Diyaarad ka duushay magaalada Muqdisho oo gubatay

Image

GAROWE, Puntland - Diyaaradda xamuul oo ka duushay Muqdisho, kuna sii jeeday Doolow ayaa waxaa qabsaday Dab wax yar kaddib markii ay ku degtay garoonka diyaaradaha magaaladaas.

Lama soo sheegin khasaaro nafeed, iyadoo duuliyeyaasha diyaaradda ay ka boodeen ka hor inta aanay dab ka kicin. Diyaraadda ayaa nooceedu yahay C-160 waana diyaarad xamuul.

Ilo-wareedyo ayaa u sheegay Garowe Online in diyaaradda uu dab qabsaday markii ay soo cago dhigataay garoonka. In la waayey gaadiidka gurmadka deg-deg ah ayaa dhalisay gubashada.

Ilaa hadda lama sheegin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay shilkan. Sidoo kale mas’uuliyiinta Doolow iyo kuwa gobolka Gedo ayaan weli ka hadlin. Isku dayo xiriir ayaanan guuleysan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM

Soomaaliya: Agaasimihii Hore ee NISA oo Wasiirka Gaashaandhigga Ku Eedeeyay Cabsi-gelin Siyaasadeed

Hadalka Sanbaloolshe ayaa yimid kaddib markii Wasiir Axmed Macallin Fiqi uu sheegay in dowladda ay "u naxariisatay".

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 08:53PM