Dowlada ajnabi loo haysto Al-Shabaabnimo oo hadashay

Image
Malaysian Axmed Mustaqiim Bintu Cabdixamiid ayaa ah 34-jir.

KUALA LUMPUR, Malaysia - Dowlada Malaysia ayaa Sabtida maanta ah waxay ka falcelisay muwaadinka u dhashay dalkaas ee maxkamada kaga soo muuqdey magaala madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.

Wasiirka arrimaha dibada Malaysia, Saifuddin Abdullah oo uu soo xigtay mareega afka dheer ee Malaysiakini, ayaa shaaca ka qaadey in ay si dhow ula socon doonan xaaladaha ku gadaaman shaqsiga.

"Sidoo kale, waxaa ku dedaali doonaa in aan xaqiijino badbaadiisa," ayuu hadalkiisa ku daray Abdullah oo aan soo hadal-qaadin eedeymaha loo haysto Axmed Mustaqiim Bintu Cabdixamiid oo 34-jir ah.

Cabdixamiid oo uu wehliyo Dereyn Antonio Perez, 44-jir British ah, ayaa loo haystaa in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab lagana soo qabtey magaalada Mukale ee dalka Yemen ayaga oo sii baxaya.

Eedeysaneyaasha oo la sheegay in ay kala qaabilsanaayeen qorida xubno cusub ee ajnabiga ah iyo adeegsiga Tiknoolajiyadda casriga ah ayaa u xirnaa dowladda Soomaaliya muddo laba sano ah.

Cabdixamiid oo ku xeeldheer adeegsiga Tiknoolajiyada casriga ah ayaa ku doodey in Soomaaliya uu keenay "qof uu u malaynayo in uu dhintay oo ay wada dhigan jireen jaamacad ku taala Yemen".

Xeer-ilaalinta oo eedeysaneyaasha ku tuhmaysa in ay Soomaaliya u yimaadeen "si ay u daadiyaan dhiig" ayaa dalbadey in lagu xukumo "ciqaab u qalanta oo digniin u ah ajaaniibta kale ee lamidka ah".

Ajaaniibtan ayaa la rumeysan yahay in kadib ka bixitaankooda Soomaaliya ay Yemen ugu sii socdeen si ay uga mid noqdaan kooxaha argagixisada ah ee ku sugan dalkaas gaar ahaan Daacish.

Maxkamadda ciidamada ayaa la filayaa in ay go'aan kasoo saarto kiiskan maalmaha soo aadan kadib markii ay asbuucii hore soo gabagabeysay dhageysiga dooddaha dacwad-oogeyaasha iyo qareenadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM