Dr Dufle oo difaacdey xubinimadiisa Aqalka Sare

Image
Dufle ayay labintu raacdey kadib markii uu doorasho laba wareeg ah kana dhacdey magaalada caasimada ah ee Jowhar.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dr Cusmaan Maxamuud Dufle ayaa dib loogu doortay in uu afarta sano soo aadan uu HirShabelle ku metelo Aqalka Sare ee baarlamaanka 11aad ee federaalka ah ee Soomaaliya.

Dufle ayay labintu raacdey kadib markii uu doorasho laba wareeg ah kana dhacdey magaalada caasimada ah ee Jowhar uu 86 cod kaga adkaadey Raage Xasan Cusmaan oo ay u coddeysay 28 mudane.

Wareega koowaad waxaa ku haray Maxamed Axmednuur Tarsan oo helay 19 cod, halka Raage Xasan Cusmaan uu helay 25 cod, Duflana uu hantey codad gaaraya illaa 59.

Waa kursigii afaraad oo kamid ah sideeda xubnood ee HirShabelle ku leedahay Senate-ka oo illaa haatan la doorto. Xalay waxaa isla Jowhar lagu doorto saddex mudane oo laba kamid ah soo laabteen.

Muuse Suudi Yalaxow oo tartan adag wajahay ayaa difaacdey kursigiisa, halka Fartuun Karaama ay si fudud ugu soo laabatay xubnimadda ka gedaal markii ay tartanka ka hartey haweenay la loolameysay.

Sida ay xaqiijinayaan warbixinadda la helayo, kursiga Muuse ayaa waxaa ku baxdey lacag ka badan hal milyan doolar maadaama ay ku loolamayaan daafyo kamid ah xoogaga siyaasadeed ee waddanka.

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa guuldaro siyaasadeed kala hooyatay ka gedaal markii musharaxii ay wadatay oo ah Cabdullaahi Sheekh kaasoo ku haray wareega labaad markii uu heli waayey codad ku filan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya oo cabsi amni darteed u diiday Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya inuu dalkeeda galo

Dowladda Kenya ayaa masaafurisay Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji.

  • Soomaliya

    29-06-2026

  • 07:56AM

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM