Duqeymo lagu garaacay caasimadda gobolka Tigray

Image
Telefishinka ku hadla afka jabhadda TPLF ayaa dhacdan ku eedeeyay xukuumadda Abiy Axmed.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Duqaymo xagga cirka ah ayaa ka dhacay caasimadda gobolka Tigray ee waqooyiga waddanka Itoobiya ee Maqale, sida ay ku warantay wakaaladda wararka Reuters.

Sida ku xusan warbixinta lagu soo xigtey illo wareedyo ka tirsan dowladda oo magacyadooda aanan lasoo bandhigin, falkaas waxaa ku dhaawacmay dhowr qof oo rayid ah.

TV-ga Tigrai ayaa sheegay in weerarka magaalada Mekelle uu ka dambeeyay “Abiy Ahmed”, isaga oo ula jeeda ra’iisul wasaaraha Itoobiya iyo ciidamada dowladda ee uu hoggaaminayo.

Militariga iyo afhayeenka ra’iisul wasaaraha si degdeg ah ugama jawaabin codsiyada faallo ka bixinta eedeyntaas oo kaga yimid falaagadda uu dagaalka xooggan kala dhaxeeyo.

Mid ka mid ah hawlwadeennada gargaarka ee gobolka Tigray ayaa shaaca ka dhigay in duqeymo xagga cirka ah ay ka dhaceen Mekelle. Hase ahaatee, waxay ka gaabsadeen shaacinta tiradda.

Reuters ayaa awoodi weysay inay xaqiijiso wararka ka jira aag ka baxsan xadka saxafiyiinta. Isku dayo warbaahinta caalamiga ah sameeyeen si ay u xaqiijiyaan sheegashooyinkan ururka TPLF.

Milatariga Itoobiya iyo xulufadiisa ayaa 11 bilood dagaal kula jira xoogaga ka soo jeeda gobolka woqooyi ee Tigray. Colaaddan waxay sababtay in ay barakacaan iyo dhimashada boqolaal rayid ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Somaliland oo is-dhaafsaday Maxaabiis Dagaal 

Wasiirku wuxuu ku tilmaamay is-weydaarsigan mid muhiim u ah dhismaha kalsoonida iyo xasilinta xiriirka labada dhinac.

  • Soomaliya

    30-04-2025

  • 09:36AM

Sheekh Aadan Madoobe oo lagu qasbay inuu Xildhibaan Abiib Kursigiisa u celiyo

Wasaarado katirsan Xukuumadda Xamse ayaa lagu soo waramayaa in warqadaha Abiib ay ku waayeen lacag badan iyo Mashaariic.

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 06:03PM