Diyaarad "uu saarnaa Fahad Yaasiin oo laga celiyey Jabuuti"

Image
Agaasimihii xilka laga qaadey ee hay'ada sirdoonka ayaa qorsheynayey in uu kusoo laabto Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Warar aad loogu kalsoonaan karo ayaa warsidaha Garowe Online u sheegey in Fahad Yaasiin Daahir uu qorsheynayo in uu kusoo laabto magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

Macluumaadyadda laga helayo illo wareedyo aad ugu dhow lataliyaha amniga qaranka ayaa xusaya in kooxdiisa amniga ay saaka tageen garoonka diyaardaha Aadan Cadde.

Balse, war kal dambe soo baxaya ayaa xusaya in gabi ahaanba la baajiyey dulaamadkii Turkish Airlines oo ku wajahanaa magaalada Muqdisho sababo aan la sheegin. Ma jirto cid fahfaahin ka bixisay.

Wararka Garowe Online soo gaaraya ayaa tibaaxayan in diyaaradaan laga celiyey wadanka Jabuuti. Diyaardaan ayaa la rumeysan yahay inuu saarnaa Agaasimhii xilka laga qaadey Fahad Yaasiin.

Tafaasiisha ayaa intaas ku dareysa in sidoo kale dib loo celiyey dadkii sugayey iney ka raacaan diyaardaas kuwaas ku sugnaa garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde.

Garowe Online ayaa ogaadey in Fahad uu Muqdisho ka baxay kahor inta aan lagu dhawaaqin in Al-Shabaab ay dishay madaxii internet-ka hay'ada sirdoonka, Ikraan Tahliil Faarax.

Shaacintaas ayaa sababtay xiisad siyaasadeed. Qoyska Ikraan waxay dood geliyeen sheegashadaas. Al-Shabaab waxay ganafka ku dhufatay eedeynta hay'adda mukhaabaraadka qaranka.

Hogaanka dalka ayaa ku kala qeybsamay maareynta xiisada ka dhalatay shaacintaas. Madaxda maamulada oo dhex-dhexaadnimo muujiyey waxay ku balameen shir guud kana dhacaya magaala madaxda Garowe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya oo cabsi amni darteed u diiday Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya inuu dalkeeda galo

Dowladda Kenya ayaa masaafurisay Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji.

  • Soomaliya

    29-06-2026

  • 07:56AM

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM