Fahad Yaasiin oo "diyaarad gaar ah" kaga degay Muqdisho

Image
Lama ogga haddii diyaaradan ay mas'uuliyiinta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku wargelisay duulimaadkan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Fahad Yaasiin Daahir, agaasimihii shaqo joojinta lagu sameeyay ee hay'ada sirdoonka Soomaaliya, ayaa diyaarad uu soo kireystay kaga degay caasimadda Muqdisho.

Lama ogga haddii diyaaradan ay mas'uuliyiinta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ku wargelisay duulimaadkan gaarka ah maadaama ay jiraan warar kala duwan.

Isku-dayo xiriir uu warsidaha Garowe Online la sameeyay maamulka garoonka ayaan guuleysan. Balse, hal illo wareed oo ku dhow wuxuu xaqiijiyey in aysan helin ogeysiis rasmi ah.

Fahad oo haatan ku magacaaban lataliyaha arrimaha ammaanka qaranka ayaa Jimcadii laga hor-istaagay in uu soo caga-dhigo caasimada lagana celiyey waddanka Jabuuti.

Sidoo kale, maalinti Sabtida ee asbuucaan ayuu ku guuldareystay in uu soo raaco diyaaradda Turkish Airlines taasoo ku gacan-seyrtay dalabkiisa ahaa in uu kasoo raaco Istanbul.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa "isku xayiraad" waxay ku sifeysay talaabada Jabuuti. Balse, dowladda Jabuuti waxay gaashaanka ku dhufatay in ay sameysay "xanibaad ku talagal ah".

Fahad Yaasiin ayaa kamid ah shaqsiyaadka ku eedeysan kiiska Ikraan Tahliil Faarax, haweenay ka tirsaneyd hay'ada sirdoonka, taasoo la waayey ku dhowaad saddex [3] bilood ee lasoo dhaafay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM