Fahad Yaasiin oo safray kahor shaacinta "dilka" Ikraan Tahliil

Image
Iyaddoo fadhigiisu yahay Qadar, lama ogga halka uu u baxay maadaama socdaalkiisu ahayn mid shaqo.

MUQDISHO, Soomaaliya - Garowe Online ayaa ogaadey in Fahad Yasin, agaasimaha hay'ada NISA, uu dalka ka baxay mudo dhowr cisho ah ka hor intaan la shaacin geerida Ikraan Tahliil.

Fahad Yaasiin oo inta badan fadhigiisu yahay dalka Qadar ayaan la sheegin halka uu ku sugan yahay maadaama safarkiisa uusan ahayn mid ku salaysan shaqo.

Waxaa sidoo kale soo xoogeysanaya baaqa loo diraayo Ra'iisul Wasaare Roble kaaso ku aadan in uu wax ka qabto madaxda NISA oo lagu tuhmaayo in ay  ku maqan tahay Ikraan Tahliil.

Rooble ayaa dhowaan shaqada ka eryay Cabdullahi Kulane oo ahaa agaasime kuxigeenka NISA kadib markii uu jabiyay amarkiisa ahaa in aan muwaadin laga xanibi karin shaqo.

Dhowr casho kadib ayuu aFahad Yasin dib u magacaabay Kulane una dalacsiiyay jago ka saamayn badan tii uu horay u joogay oo isla NISA ka dhex tirsan.

Wasiirka koowaad ee xukuumadda xilgaarsiinta ayaa warar soo baxaya ay tibaaxayaan in uu ka fekerayo qaabkii uu u wajihi lahaa xaaladdan soo korortay todobaadkii lasoo dhaafay.

Fahad Yaasiin oo horey u soo ahaa wariye ka tirsan Tv-ga Al Jazeera ayaa ah gacanta midig ee madaxweynaha waqtigu ka dhamaadey Farmaajo waa mid saameyn ku leh go'aanadda dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM