Fahad Yaasiin oo si qarsoodi ah ula wareegay xil loo dhiibay

Image
Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaadey Farmaajo ayaa jagadan u magacaabay markii laga joojiyey xilkii horey.

MUQDISHO, Soomaaliya - Fahad Yaasiin Daahir ayaa si qarsoodi ah ula wareegay jagada lataliyaha amniga qaranka, sida laga soo xigtey war-saxaafadeed rasmi ah oo kasoo baxay Madaxtooyadda Soomaaliya.

Daahir oo ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta uu ku sameeyay shaqo joojin markii uu diidey soo gudbinta warbixinta kiiska Ikraan Tahliil  ayaa sheegay in uu iska casilay xilka agaasimaha hay'ada sirdoonka.

Kadib is-casilaadaas uu sheegtay, madaxweynaha waqtigu ka dhacay Farmaajo ayaa Fahad oo ah gacantiisa midig wuxuu u magacaabay jagada lataliyaha amniga qaranka.

Waryihii hore ee telefishinka Al-Jazeera qeybtiisa luuqadda Carabiga ayaa bedelaya Cabdisiciid Muuse Cali oo loo magacaabay agaasimaha guud ee Madaxtooyadda Qaranka.

"Lataliyaha cusub ee Amniga Qaranka Mudane Fahad Yaasiin ayaa munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka waxa uu xilka kala wareegay Lataliyihii Hore ee Amniga Qaranka Mudane Cabdisiciid Muuse Cali," ayaa lagu yiri bayaanka.

Qoraalka ayaa la raaciyey: "Lataliyaha Amniga Qaranku waxa uu uga mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda magacaabistan, waxa uuna xusay sida ay uga go'an tahay horumarinta Amniga Qaranka".

War-saxaafadeedka ayaanan la soo raacin sawirro ama muuqaal ah. Ma cadda sababta arrintan ka dambeysa. Balse, waxaa lala xiriirinayaa Fahad Yaasiin oo caan ku ah dhaqanka is-qarinta.

Fahad ayaa kamid ah shaqsiyaadka aadka loogu tuhmayo kiiska Ikraan oo ahayd haweenay ka tirsan hay'adda sirdoonka qaranka lana waayey ku dhowaad saddex bilood kahor nolol iyo geerina lagu haynin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya oo cabsi amni darteed u diiday Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya inuu dalkeeda galo

Dowladda Kenya ayaa masaafurisay Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji.

  • Soomaliya

    29-06-2026

  • 07:56AM

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM