Farmaajo iyo Fahad oo lala xiriiriyey ismiidaaminta Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha waqtigu ka dhamaadey Farmaajo iyo lataliyihiisa amniga qaranka, Fahad Yaasiin Daahir, ayaa ku lug leh qaraxii xalay ka dhacay Muqdisho, sida uu sheegay khabiir dhanka sirdoonka ah.

Jeneraal Cabdalla Cabdalla, taliye ku xigeenkii hore ee hay'adda mukhaabaraadka qaranka, ayaa rumeysan in Farmaajo iyo Fahad ay weerarkan ka lahaayeen "qorshe mashquulin ah".

Sida laga soo xigtey Cabdalla oo qoraal ku daabacay bartiisa Facebook, qorshaha ayaa ah "in dareenka dadweynaha laga leexiyo is bedelka lagu sameeyay qaar kamid ah wasiiradda xukuumadda xilgaarsiinta ah".

"Maxaa isku soo aadiyay beegsiga agaasimayaasha warbaahinta qaranka iyo isku shaandhaynta wasiirada iyo eryidda W/Arimaha Dibedda? Waxaa muuqata in qorshe mashquulin ah ay F&F kala haayeen isbadal kan," ayuu yiri.

Wuxuu ku daray: "Sida uu VOA u xaqiijiyay Wasiirka Arimaha dibedda hore, qofka ay is qabteen waa Farmaajo oo xilkiisii dhamaatay sanad ka hor, welina u tafaxa haydan inuu dhiig kale Ku daadiyo dalka",

"Reer Muqdisho dhowrkii isbuuc ee la soo dhaafay waxay ka markhaati ahaayeen janaasooyin badan oo dad waxgarad ah loo gaystay, maalmaha soo socdana waa ka sii darnaan doonaan," ayuu xusay.

Cabdalla ayaa kusoo xiray: "Beegsi wax garadka iyo haldoorka bulshada ah ayaa F&F kordhin doonaan! Afduubka iyo AlShabaab u dhiibista waa sii kordhi doontaa! Inta Farmaajo Villa Somalia joogo AlShababna waa kula joogaa!".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM

Soomaaliya: Agaasimihii Hore ee NISA oo Wasiirka Gaashaandhigga Ku Eedeeyay Cabsi-gelin Siyaasadeed

Hadalka Sanbaloolshe ayaa yimid kaddib markii Wasiir Axmed Macallin Fiqi uu sheegay in dowladda ay "u naxariisatay".

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 08:53PM