Farmaajo oo si maqaam hoose loogu qaabilay Addis Ababa

Image
Image
Image
Image
Image
Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaadey ayaa ka qeybgalaya caleema-saarka Abiy Axmed.

MUQDIHSO, Soomaaliya - Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaadey Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa halkaas waxay uga qeyb geli doonaan munaasabadda caleemasaarka dhismaha Xukuumadda cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya.

Hogaamiyaha Soomaaliya ayaa ka mid ah Madaxda dalalka Afrika iyo Caalamka ee lagu maamuusay ka qeyb galka munaasabaddan, iyada oo la adkeynayo xiriirka miro-dhalka ah ee ku dhisan is ixtiraamka Qarannimo iyo daris wanaagga ee ka dhexeeya Labada dal.

Madaxweynaha iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku wehelisa safarkan ayaa kulan doceedyo la qaadan doona wufuudda dhiggooda ah ee ka socda dalalka ka qeyb galaya munaasabaddan, si loo xoojiyo xiriirka kobcaya ee dalkeennu uu la leeyahay caalamka.

Safarka waxaa Madaxweynaha ku weheliya Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Jamaal Maxamed Xasan, Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga, Xasan Xuseen Xaaji iyo Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada, Cabdi Nuur Maxamed Axmed.

Farmaajo waxaa garoonka kusoo dhaweeyay wasiirka maalyada Itoobiya, Axmed Shide, halka madaxda kale ee Afrika uu qaabilay Abiy Axmed oo mar labaad xafiiska loo dhaariyey.

Tani ayaa dad badan waxay ku sifeeyeen in ay tahay hoos-u-dhigid lagu sameeyay maamuuska Farmaajo maadaama hogaamiyeyaasha lamidka ah uu Abiy qaabilay balse isaga uusan soo dhaweyn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM