Farqiga go'aanada Farmaajo iyo Rooble ee kiiska Ikraan

Image
Madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta ayaa caddeeyay in ay laba mowqif ka kala haystan qadiyadan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Farqiga u dhaxeeya go'aanada Farmaajo iyo Rooble ee kiiska Ikraan Tahliil "waa in mid uu saaxiibkiis kala weynaadey xuquuqda muwaadin kan kale uu difaacay xuquuqdaas," sida uu sheegay musharax madaxwayne.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbiga Wadajir oo qoraal ku daabacay ciwaankiisa shaqsiga ah ee Facebook-ga ayaa cod dheer ku caddeeyay in ay garab-taagan yihiin Rooble.

"Farmaajo maanta wuxuu caddeystay arrin la wada ogaa oo ah in saaxiibkiis Fahad uu kala waynyahay xuquuqda muwaadinka, dastuurka iyo danta qaranka" ayuu ku bilaabay qoraalka.

Wuxuu intaas ku daray: "Marna sooma qaadin gabadhii la afduubay ee la dilay balse wuxuu Raysalwasaaraha kula dooday maxay kaga duwan tahay dadka maalin walba dhimanaya?"

Go'aanada Farmaajo ayuu ku sifeeyay laba midkood;" in uu Fahad la ogaa afduubka iyo dilka Ikraan, ama uu ka arradanyahay damiir masuuliyadeed, damqasho waalidnimo iyo dan qaran".

"Go’aanada Rooble iyo Farmaajo waxay ku kala duwan yihiin, midna caddaaladda ayuu u hiiliyey, xuquuqda muwaadinka buu ilaaliyey, damiirkiisana waa u nadiif, halka kan kale uu caddaaladdii hor istaagay, xuquuqdii muwaadinka ku tuntay, damiir gubanaya saaxiibkiis ku difaacay," ayuu raaciyey.

Wuxuu kusoo xiray: "Siyaasiyiinta, ciidanka, madaxda dowlad goboleedyada iyo shacabkaba labada go’aan kii ay taageeraan ayaa taariikhda loogu diiwaan gelinayaa. Waa hubaa in uu xaqa guulaysanayo ee noqo kii garab istaaga".

Kiiska Ikraan Tahliil ayaa u muuqanaya mid xasaasiyadiisa ay cirka isku sii shareertay. Lama saadaalin karo darafka guusha qaadanaya dhinacyadda haatan isku haya. Balse, xaqiiqadda meesha taala waxay tahay in muhiim ay tahay sareynta sharciga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya oo cabsi amni darteed u diiday Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya inuu dalkeeda galo

Dowladda Kenya ayaa masaafurisay Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji.

  • Soomaliya

    29-06-2026

  • 07:56AM

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM