Finland oo talaabo u qaadey adkeynta xiriirka Soomaaliya

Image
Image
Image
Image
Image
Madaxweynaha waqtigu ka dhacay Farmaajo ayaa maanta waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Finland.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa munaasabad ku qabsoontay Madaxtooyada Qaranka, waxa uu kaga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo safiirka cusub ee ay Jamhuuriyadda Finland u soo magacawday Soomaaliya, Pirkka Tapiola.

Tapiola ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda la wadaagay dhambaal iyo salaan uu uga siday dhiggiisa Jamhuuriyadda Finland Mudane Sauli Niinisto, waxa uuna dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee loo sameeyey.

Madaxweyne Farmaajo iyo Danjire Tapiola ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Finland, kaas oo ku dhisan wax wada-qabsi iyo iskaashi.

Waxa uuna Danjire Tapiola bogaadiyey horumarka ballaaaran ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku tallaabsatay, isaga oo Madaxweynaha uga war-bixiyey dadaalka uu ku bixin doono adkaynta xiriirka diblomaasiyadeed ee Labada Dal.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la wadaagay Danjiraha cusub, guulaha muuqda ee shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay ka xaqiijiyeen dib-u-dhiska dalka, dib-u-heshiisiinta, Maalgashiga, la dagaallanka argagixisada iyo musuq-maasuqa.

Ugu dambayn, Farmaajo oo Danjiraha Cusub ee Finland ugu hambalyeeyay xilka loo magacaabay, wuxuu na u sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku garab istaageyso gudashada waajibaadka diblomaasiyadeed ee loo igmaday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM

Soomaaliya: Agaasimihii Hore ee NISA oo Wasiirka Gaashaandhigga Ku Eedeeyay Cabsi-gelin Siyaasadeed

Hadalka Sanbaloolshe ayaa yimid kaddib markii Wasiir Axmed Macallin Fiqi uu sheegay in dowladda ay "u naxariisatay".

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 08:53PM