Qoor-Qoor oo shir jaraa'id ka qabanaya dagaalka Guriceel

Image

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor, ayaa lagu wadaa inuu ka hadlo dagaalka Guriceel.

Wariyeyaasha gudaha ayaa saakay loogu yeeray Madaxtooyadda Galmudug, Magaaladda Dhuusamareeb, iyadoo lagu lagu casuumey shirka jaraa'id.

Qoor-Qoor ayaa horey u cadeeyay mowqifkiisa ku aadan Ahlu Sunna, isagoo amaray in lagu duulo Guriceel, si gacanta maamulkiisa loogu soo celiyo.

Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa gudaha u galay Sabtidii magaaladda Guriceel, waxayna dagaal la galeen xoogaga Ahlu Sunna.

Inta la ogyahay 120 qof ayaa lagu dilay dagaalka Guriceel, kaasoo galay maalintii 4aad, waxayna labada dhinac ku kala sugan yihiin xaafadaha.

Qoor-Qoor lama oga waxa uu ka dhihi doono, laakiin wasiirkiisa warfaafinta ayaa dhawaan sheegay in ay la wareeegeen Guriceel, islamarkaana laga saarey Ahlu Sunna.

Galmudug ayaa gashay xaalad dagaal xili dalka doorashada Gollaha Shacabka qabanayo dhawaan, waxaana laga cavsi qabaa inuu yimaado dib u dhac kale, taasoo mugdi sii gelinaysa mustaqbalka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM