Golaha Ammaanka oo fariin u diray Farmaajo iyo Rooble

Image
Madaxda maamulada xubnaha ka ah dowlad goboleedyadda ayay booriyeen in ay horay u sii dhaqaajiyaan doorashooyinka.

NEW YORK, USA - Golaha ammaanka Qaramada Midoobay oo walaac qoto dheer ka muujiyey khilaafka Farmaajo iyo Rooble ayaa ku waaniyey in ay ka fogaadaan wax walba oo horseedi kara isku-dhac.

Madaxda maamulada xubnaha ka ah dowlad goboleedyadda ayay booriyeen in ay horay u sii dhaqaajiyaan doorashooyinka. Heshiiska 27-dii May ayay adkeeyeen in lagu dul-shaqeeyo.

"Dhamaan dhinacyada waa in ay is-xakameeyaan oo ay ilaaliyaan xasiloonida, amniga iyo nabada Soomaaliya," ayaa la raaciyey war-saxaafadeedka kasoo baxay golaha ammaanka.

Dhanka kale, dowladda Ingiriiska ayaa cod dheer ugu baaqdey in lasoo afmeero qalalaasaha siyaasadeed ee kasoo cusboonadey Soomaaliya si aysan mar kae dib ugu dhicin doorashada Soomaaliya.

Geesta kale, musharax madaxwayne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa taageero u muujiyey qoraaladdii ugu dambeeyay diblumaasiyiinta caalamka kasoo saareen xaalada siyaasada dalka.

"Baaqyadii Midowga Murrashaxiinta, Dawlad Goboleedyada, Beesha Caalamka iyo Golaha Ammaanka, waxay hoosta ka xariiqeen in loo hoggaansamo heshiiskii 27 Maajo," ayuu ku qoray Facebook-ga.

Wuxuu intaas kusii daray: "Heshiiskaas waxaa wada saxiixay Golaha Wadatashiga Qaran ee uu guddoonkiisu yahay Raysalwasaaraha. Waxaan ka sugnaa waa in aysan iskala qaadin, doorashadana dedejiyaan, si dalku uga baxo hubanti la’aanta sharci iyo tan siyaasadeed".

Farmaajo iyo Rooble ayaa isku-maan-dhaafay qaabka loo maareynayo kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo la waayey laba bilood kahor ayna qoyskeedu tuhunsan yihiin in ay dileen hogaanka hay'adda NISA.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya oo cabsi amni darteed u diiday Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya inuu dalkeeda galo

Dowladda Kenya ayaa masaafurisay Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji.

  • Soomaliya

    29-06-2026

  • 07:56AM

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM