Shabaab iyo Taliban: Maxay ka siman yihiin, maxayse ku kala duwan yihiin?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Soomaaliya waxaa qorshuhu yahay in 2020-21 ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod. Balse, cabsida ugu weynaa waxay ka imaaneysaa Al-Shabaab maadaama ay dhul badan ka maamusho waddanka.

Wallow dagaalka milatari lagula jiro uu qaatay sanado badan, waxaa barbar socda baaqyo ka imaanaya aqoonyahanka ah oo ah in wadahadalo lagu dayo xoogaga gacansaarka la leh shabakada Al-Qaacida.

Mareykanka waa awooda shisheeye ee ugu weyn, taasoo maalgelineysa mashruuca la dagaalanka maleeyshiyaadkan hubeysan.

Balse, Washington oo caan ku ah la dagaalanka argagixisadda waxay haatan heshiis nabadeed qarka u saaran tahay in ay la gasho Taalibaanta ka dagaalanka gudaha waddanka Afghanistan ee qaarada Asia.

Hadii uu hirgalo heshiiska, talaabadaas waxay soo afjari doontaa colaada tobanaanka sano ka oogan Afghanistan iyo "faragelinta" uu Mareykanka.

Tani ayaa soo cusbooneysiisay dooda ku saabsan in miiska wadahadalka lala fariisto Al-Shabaab si qalinka loogu duugo heshiis nabadeed. Hase ahaatee, waxaa jira dhowr su'aallo oo ku geedaaman labadda kooxood.

Afyare Cilmi, oo daraasaadka amniga ka dhiga Jaamacadda Qadar kana mid ah dadka soo jeediyey in lala xaajoodo Al-Shabaab, ayaa doodiisa ku xoojiyey "laba arrimood uu salka ku hayo dagaalka ay waddo xarakadda".

Isagoo soo xiganaya cilmi baaris, waxay kala yihiin Shareecada Islaamka oo dalka lagu dhaqo iyo ciidamada shisheeye oo gebi ahaanba ay isaga baxaan waddanka. Arrinta shareecada dastuurka ayaaba xeerinaya.

"Arrinta kale oo ay ku dheganaayeen waxay ahayd in ciidamada shisheeyaha in ay baxaan, arrintaasina hadii farsamo ahaan leysla garto waa mid la fulin karo," ayuu u sheegay barnaamijka Galka Baarista ee VOA-da.

Naqdinta

Sidda dadka qaar ugu ololeynayaan in lala hadlo kooxda, waxaa jira kuwa kale oo ku adkeysanaya in marka hore la qaado talaabooyin ku riixaya in ay miiska wadahadalka ku yimaadaan, si iskooda ah.

Talaabooyinka ay soo jeedinayaan waxaa kamid ah; in la wiiqo ciidan ahaan, dhaqaale ahaan iyo in lagala dagaalamo fekerka.

Sheekh Ibraahim Nadaara, mid kamid ah saraakiishii waxbarashada Al-Shabaab ee gobolada Baay iyo Bakool taageereyna oraahdaas, ayaa carabka ku adkeeyay baahida loo qabo duulaan ciidan oo xoogan.

"Marka waxaan is-dhihi karaa Haa/Maya. Haa mabda'a guud dad ayay kamid yihiin. Maya, dhankooda ma muuqato baahi iyo culeys ku kalifaya [in ay miiska wadahadalka yimaadaan]," ayuu hoosta ka xariiqay.

Isbarbardhiga labada falaago

Khubaradda aqoonta u leh arrimaha argagixisada ayaa tibaaxay in ay jiraan waxyaabo badan oo ay ku kala duwan yihiin Al-Shabaab tusaale ahaan; fekera, ujeedka ay u dagaalamayaan iyo furfurnaanta.

Iyaddoo ay Taalibaan kala siman tahay in lasoo afmeero joogitaanka ciidamada shisheeye, Al-Shabaab waxaa u dheer in ay ku xiran tahay Al-Qaacida oo la sheegay in uu hadafkeedu yahay xalinta "mushkilad caalami ah".

Bishii June 2018, Talibaan waxay xabad joojin kula heshiisay dowladda Afghanistan, gaar ahaan inta lagu guda jiray Ciidul Fidriga. Al-Shabaab horey uma sheegin in ay diyaar u tahay talaabo noocaas ah.

Talibaan waxay dowladda Afghanistan u aqoonsan tahay "xukuumada dabadhilif ah oo Mareykanka maqaar-saar u ah," halka Al-Shabaab ay gaaleysiiso dowladda Soomaaliya iyo dadka u shaqeeya oo dhan.

Awooda gelista wadahadal

Sheekh Bashiir Axmed Salaad, mid kamida culumadii ugu horeysay ee diidey fekerka Al-Shabaab, ayaa su'aal geliyey in hogaanka Soomaalida ay talo ku yeelan karaan gelista wadahadal.

"Qofka ururkaas qeyb ka noqdey mushkilad caalami ah buu ka hadlayaa mooyee mid maxali ah kama hadlaayo...waxyaabaha ay dalka ka sheegaan waa nooc iska marmarsiyo ah! qaraarkooda iyo go'aankooda in ay gacanta ku hayaan iyadda nafteeda su'aal baa ka imaan karta maadaama ururka uu caalami yahay daruufo kala duwana ay haysato oo meelo kala duwan ay ku nool yihiin…waxaaba dhici karta in go'aanka wadahadalka aysan iyagu xitaa gaari karin oo ninka hogaamiyaha Al-Qaacida uu gaari karo, ninkaas waa nin ku jira qadiyad caalami ah. Marka waxaa dhici karta in mushkilad aysaba ahayn mid Soomaaliyeed," ayuu xusay.

Axmed Diiriye Abuu Cubeyda, waa Amiirka muuqda ee Al-Shabaab, waxaana uu bedelay Axmed Godane, aas-aasihii ururkaas.

Dagaalameyaasha u howlgala waxaa tirro ahaan lagu sheegay laba kun, kuwaasoo isugu jira sirdoon iyo maleeyshiyaad ka qeybgala dagaalada dhulka oo ay la galaan Ciidamada Soomaaliya iyo saaxiibadooda.

Dedaaladii dhicisoobay

Sanadkii 2009-kii ayay ahayd markii ugu dhaweyd oo Al-Shabaab ay miiska wadahadalka la fariisato Dowladda Soomaaliya, balse dedaaladii la bilaabay way dhicisoobeen markii dhankooda "wax ka socon waayeen".

Dedaaladda oo ay hormuud u ahayd Hay'adda Culimada Soomaaliyeed ayaa yimid markii ay heshiiyeen dowladii ku meel gaarka ahayd ee Cabdiqaasim iyo Shariif Sheekh Axmed, hogaamiyihii Maxkamadaha.

Heshiiskaas waxaa kamid ahaa; in Shariif uu noqdo madaxweynaha dalka iyo in ciidamadda Itoobiya ay ka baxaan guud ahaan dalka. Qodobadaas way fuleen, waxayna abuurto rajo ah in lala hadlo Al-Shabaab.

Iyaddoo ay jirtay rajadaas, haddana waxaa dhinac yiilay caqabado ay kamid tahay; Al-Shabaab oo isku arkeysay in ay awood ku maquunin karto dowlada Shariif iyo ciidamadda AMISOM.

Cutubyadda howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya xiligaas qeyb ka ahayn dagaalka Al-Shabaab, waxayna kaliya ilaalo ka ahaa xarumaha Dowladda. Balse dib ayaa looga ogolaadey.

Sheekh Cali Warsame, hogaamiyihii ururkii burburay ee Al-Ictisaam Al-Islaam, oo kamid ahaa wadaadii la fariistay hogaankii waqtigaas ee Al-Shabaab, ayaa dib u celiyey xusuustiisa wixii maalintaa ay la kulmeen.

Qodobada ay la shir-tageen wuxuu ku qeexay laba arrimood; joojinta gaaleysiinta dadka iyo la dagaalanka Umadda Muslimiinta. Godane ayuu si gaar ah ugu eedeeyay in uu mas'uul ka yahay burburka dedaalkooda.

Sikastaba ha ahaatee, iyaddoo taariikhyadaas muhiimka ah ay jiraan dadku waxay is waydiinayaan hadii tabta loo marayo nabaddeynta Afghanistan ay ku haboon tahay gudaha Soomaaliya ama in la abuuro hanaan kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Jarmalka u tagay ka qeybgalka kulan dood dhaliyay

Dadka ka falceliyey kulankan ayaa sheegay in uusan gaarsiisaneyn mansabka madaxwayne.

  • Soomaliya

    05-11-2024

  • 09:08AM

Golaha Shacabka oo meelmariyay miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2025

Waxaa ogolaayay 172 Xildhibaan 2 Xildhibaan ayaa diiday 1 Xildhibaanna waa uu ka aamusay.

  • Soomaliya

    04-11-2024

  • 11:23AM